Sharciga Kunoqoshadiisa 1:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 14:39-45 : 39 Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen. 40 Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay. 41 Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto? 42 Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn. 43 Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo. 44 Laakiinse iyagii waxay ku sii adkaysteen inay buurta dhaladeedii fuulaan, habase yeeshee Muuse iyo sanduuqii axdiga Rabbigu xeradii kama ay bixin. 45 Kolkaasay reer Camaaleq iyo reer Kancaan oo buurta degganaa hoos u degeen, oo intay laayeen ayay tan iyo Xormaah eryadeen.
  • Tir 22:34 : 34 Oo Balcaam wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, ma aan ogayn inaad jidka taagan tahay adigoo iga gees ah. Haddaba haddii sidaasu ku xumayso, dib baan u noqonayaa.
  • Maah 19:3 : 3 Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

    43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.

  • 22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

  • Tir 32:20-21
    2 aayado
    77%

    20Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,

    21oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,

  • Tir 14:40-43
    4 aayado
    77%

    40Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.

    41Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

    42Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn.

    43Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.

  • 40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

  • 14Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.

  • 75%

    18Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

    19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

    20Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

  • 75%

    26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

    27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.

  • 27laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow.

  • 73%

    23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

    24Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • 3Markaasaa Muuse dadkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, War idinku dhexdiinna rag dagaal uga diyaariya, oo hub siiya, inay reer Midyaan ku kacaan, oo ay Rabbiga reer Midyaan uga aargudaan.

  • 34Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

  • 10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.

  • 72%

    29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

    30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

  • 27Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.

  • 12Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

  • Tir 32:31-32
    2 aayado
    72%

    31Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.

    32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

  • 12Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.

  • 18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

  • 11Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac, oo dadka hor mar, oo iyana way geli doonaan oo hantiyi doonaan dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siinayo.

  • 8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

  • 20Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.

  • 21¶ Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,

  • 7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

  • 7Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

  • 15Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.

  • 13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • 8Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.

  • 12Markaasaa ururkii oo dhammu isku mar jawaabeen oo cod dheer ku yidhaahdeen, Waa inaannu samaynaa sidaad xaalkayaga ka tidhi.

  • 5waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,

  • 1¶ Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?

  • 11Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.

  • 1¶ Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

  • 5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.