Yeremyaah 42:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 16:38 : 38 Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.
  • Sab 18:44 : 44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
  • Sab 65:3 : 3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
  • Yer 3:10 : 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.
  • Yer 17:10 : 10 Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
  • Yer 42:2 : 2 oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid.
  • Yex 14:3-4 : 3 Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan? 4 Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
  • Yex 33:31 : 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
  • Mat 22:15-18 : 15 ¶ Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan. 16 Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid. 17 Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin? 18 Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?
  • Mat 22:35 : 35 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,
  • Gal 6:7 : 7 Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.
  • Yac 1:22 : 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21Haddaba maanta xaalkan waan idiin sheegay, laakiinse idinku ma aydaan addeecin codkii Rabbiga Ilaahiinna ah iyo wixii uu iigu soo kiin dhiibay toona.

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • Yer 42:2-6
    5 aayado
    76%

    2oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid.

    3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.

    4Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo.

    5Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.

    6Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.

  • 7Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

  • 8Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.

  • 73%

    18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

    19Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • 73%

    26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

    27Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 19Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.

  • 15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

  • Daan 9:13-14
    2 aayado
    72%

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

  • 41Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 71%

    27Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa.

    28Markaasaa Rabbigu maqlay codkii erayadiinna markaad ila hadasheen, oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waan maqlay codkii erayada dadkan, oo ay kugula hadleen, oo wixii ay ku hadleen oo dhan si wanaagsan bay u yidhaahdeen.

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 14Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.

  • 32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

  • 10Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • 17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 10Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, sida xaqiiqada ah dadkan iyo Yeruusaalemba aad iyo aad baad u khiyaanaysay, waayo, iyagoo seefi naftooda soo gaadhaysa ayaad ku tidhaahdaa, Nabad baad helaysaan.

  • 15Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.

  • 47oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

  • 37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

  • 12Rabbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.

  • 12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.

  • 7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

  • 22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

  • 22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 12Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

  • 13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • 42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

  • 22Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan?

  • 23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

  • 3Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.

  • 2ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,