Yeremyaah 42:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:22 : 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan.
  • Yer 36:7 : 7 Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
  • Ish 1:9 : 9 Haddaan Rabbiga ciidammadu dad aad u yar inoo reebin, sida Sodom baan noqon lahayn, oo sida Gomorana baan noqon lahayn.
  • Ish 37:4 : 4 Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
  • 1 Sam 7:8 : 8 Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
  • 1 Sam 12:19 : 19 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay.
  • Bar 1:1 : 1 Magaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay!
  • Fal 8:24 : 24 Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.
  • Yac 5:16 : 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
  • Sharc 28:62 : 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.
  • 1 Boq 13:6 : 6 Markaasaa boqorkii ugu jawaabay ninkii Ilaah, Haddaba Rabbiga Ilaahaaga ah raallinimo iiga bari, oo ii ducee in gacantaydu ii soo noqoto aawadeed. Markaasaa ninkii Ilaah Rabbiga baryay, oo boqorkiina gacantiisii way u soo noqotay, oo waxay u noqotay sidii ay markii hore ahayd.
  • Bax 8:28 : 28 Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi, Waan idin sii daynayaa inaad tagtaan inaad cidlada allabari ugu bixisaan Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiinse waa inaydnaan aad u fogaan. Iina soo duceeya.
  • Yer 37:3 : 3 Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
  • Yer 37:20 : 20 Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.
  • Yer 42:20 : 20 Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.
  • Yer 17:15-16 : 15 Bal eeg, iyagu waxay igu yidhaahdaan, Eraygii Rabbigu meeh? Haddaba haatan ha yimaado! 16 Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.
  • Yer 21:2 : 2 Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.
  • Ish 1:15 : 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
  • Bax 9:28 : 28 Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.
  • Sharc 4:27 : 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.
  • 1 Sam 12:23 : 23 Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.
  • Yex 5:3-4 : 3 Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud. 4 Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
  • Yex 12:16 : 16 Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Sak 13:8-9 : 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa. 9 Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
  • Mat 24:22 : 22 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Markaasaa saraakiishii ciidammada, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo Yesanyaah ina Hooshacyaah, iyo dadkii oo dhan, kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa, way soo dhowaadeen,

  • Yer 42:3-9
    7 aayado
    80%

    3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.

    4Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo.

    5Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.

    6Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.

    7¶ Oo toban maalmood dabadeed ayaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid.

    8Markaasuu u yeedhay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhan, iyo dadkii oo dhan xataa kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa,

    9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

  • Yer 21:2-3
    2 aayado
    76%

    2Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.

    3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • 13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

  • Nex 9:32-33
    2 aayado
    73%

    32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

    33Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay,

  • Cesr 9:13-15
    3 aayado
    73%

    13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

    14haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?

    15Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.

  • 20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.

  • 18Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.

  • 18Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin.

  • 23Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.

  • 21War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 20Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.

  • 15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

  • 7Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.

  • 16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • Yer 28:5-7
    3 aayado
    71%

    5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.

    6Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.

    7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.

  • 12Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.

  • 9Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • Yer 38:26-27
    2 aayado
    71%

    26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

    27Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.

  • Nex 1:5-6
    2 aayado
    70%

    5oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,

    6Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

  • Yer 43:5-6
    2 aayado
    70%

    5Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.

    6Dadkaasu waxay ahaayeen raggii, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo gabdhihii boqorka, iyo qof kasta oo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu kaga tegey Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan, iyo Nebi Yeremyaah, iyo Baaruug ina Neeriiyaah.

  • 10Haddaba Ilaahayagow, bal maxaan nidhaahnaa tan dabadeed? Waayo, waxaannu ka tagnay amarradaadii,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

  • 18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

  • 17Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.

  • 4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

  • 2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.

  • 11Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.

  • 4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

  • 6Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.

  • 21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

  • 8Oo hadda intii wakhti yar ah ayaa Rabbiga Ilaahayaga ahu raalli naga noqday si qaar nooga hadhaan oo ay u baxsadaan, iyo si uu dhidib noogu siiyo meeshiisa quduuska ah, in Ilaahayagu indhahayaga iftiimiyo, oo uu wakhti yar nagu soo nooleeyo addoonnimadayada.