2 Taariikhdii 20:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 6:20 : 20 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.
  • 2 Taar 6:28-30 : 28 Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee, 29 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa, 30 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, )
  • 1 Boq 8:33 : 33 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,
  • 1 Boq 8:37 : 37 Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,
  • Bax 20:24 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
  • Bax 23:21 : 21 Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
  • Mat 18:20 : 20 Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Haddaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen,

  • 78%

    24Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qiraan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,

    25markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay.

    26Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,

  • 77%

    32Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan,

    33de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.

    34Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

    35de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.

  • 33Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,

  • 77%

    42(waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa,

    43de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.

    44Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

    45de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.

  • 76%

    37Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,

    38kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,

  • 76%

    28Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,

    29kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,

  • 10Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

  • 74%

    19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,

    20in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.

    21Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi.

  • 74%

    37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

    38oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

    39de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.

    40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.

  • 35Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,

  • 74%

    28Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,

    29in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.

    30Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi.

    31Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,

  • 13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

  • 12Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.

  • 32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

  • Daan 9:17-19
    3 aayado
    73%

    17Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay.

    18Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.

    19Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.

  • 10miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?

  • 72%

    48oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

    49markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel;

  • 16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

  • 15Oo weliba indhahaygu way furmi doonaan oo dhegahayguna way maqli doonaan baryootanka meeshan lagu baryootamo.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 6Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

  • 15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

  • 15Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.

  • 13Haddaba haddaan samada xidho oo roob laga waayo, ama haddaan ayaxa ku amro inuu dalka cuno, ama haddaan dadkayga belaayo ku soo dhex daayo,