2 Taariikhdii 21:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 21:4 : 4 ¶ Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil.
  • 2 Taar 21:11 : 11 Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.
  • 2 Taar 21:6 : 6 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
  • 1 Boq 16:30-33 : 30 Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan. 31 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal. 32 Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya. 33 Oo haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan.
  • 2 Boq 9:22 : 22 Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin?
  • Bil 4:10-12 : 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye. 11 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo. 12 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.
  • Bil 42:21-22 : 21 Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday. 22 Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye.
  • Bax 34:15 : 15 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,
  • Sharc 31:16 : 16 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan.
  • Xaak 9:56-57 : 56 Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah: 57 oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
  • 1 Boq 2:31-33 : 31 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey. 32 Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah. 33 Saas aawadeed dhiiggoodii wuxuu ku noqon doonaa madaxa Yoo'aab, iyo madaxa farcankiisa weligiis, laakiinse Daa'uud, iyo farcankiisa, iyo reerkiisa, iyo carshigiisaba nabad baa xagga Rabbiga uga ahaan doonta weligeed.
  • 1 Boq 16:25 : 25 Oo Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
  • Ish 26:21 : 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Yer 3:8-9 : 8 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday. 9 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.
  • Xab 2:12 : 12 ¶ Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!
  • 1 Yoox 3:12 : 12 oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    11Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.

    12Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona,

  • 77%

    19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

    20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

    21Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

    22Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.

  • 1 Boq 14:8-9
    2 aayado
    77%

    8oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,

    9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.

  • 77%

    51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

    52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

    53Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

  • 6Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.

  • 18Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.

  • 9Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.

  • 27Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab.

  • 75%

    3Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.

    4Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.

    5Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

  • 14haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba.

  • 11Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.

  • 8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.

  • 1¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

  • 74%

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

    26Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.)

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 26Oo wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

  • 3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.

  • 9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 9War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen?

  • 21Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis ku socday oo dhan, oo wuxuu u adeegay sanamyadii aabbihiis u adeegay oo dhan, wuuna caabuday.

  • 11Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.

  • 11Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,

  • 35¶ Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,

  • 3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

  • 2Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,

  • 4¶ Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil.

  • 11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 33maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.

  • 13Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

  • 47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

  • 2 Boq 3:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, laakiinse uma samayn sidii aabbihiis iyo sidii hooyadiis u sameeyeen oo kale, waayo, wuu riday tiirkii Bacal oo aabbihiis sameeyey.

    3Habase yeeshee wuxuu ku dhegay dembigii Yaaraabcaam ina Nebaad, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kaas kama uu tegin.

  • 2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

  • 16Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.

  • 34Oo taasuna dembi bay u noqotay reer Yaaraabcaam iyo xataa inay gooyso oo dhulka ka baabbi'iso.

  • 5Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.

  • 21Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn.