2 Taariikhdii 22:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 21:16-17 : 16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yehooraam ku soo kiciyey reer Falastiin iyo reer Carabta oo ag joogay reer Itoobiya. 17 Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane.
  • 2 Boq 8:24-29 : 24 ¶ Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah. 25 ¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday. 26 Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 27 Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab. 28 Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen. 29 Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
  • 2 Taar 23:3 : 3 Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.
  • 2 Taar 26:1 : 1 ¶ Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
  • 2 Taar 33:25 : 25 Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
  • 2 Taar 36:1 : 1 ¶ Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.
  • 1 Taar 3:11 : 11 wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    2Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

    3Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.

  • 84%

    24¶ Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah.

    25¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    27Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab.

  • 29¶ Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

  • 82%

    51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

    52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 79%

    5Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

    6Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

    7¶ Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.

    8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.

    9Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.

    10¶ Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan.

    11Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis).

    12Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

  • 17Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane.

  • 2 Boq 11:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.

    2Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.

    3Oo isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

  • 78%

    40Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

    41¶ Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.

  • 11wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash,

  • 77%

    17Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.

    18Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 77%

    16¶ Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    17Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.

  • 5Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.

  • 77%

    1¶ Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.

    2¶ Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa.

  • 2 Boq 15:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

  • 76%

    21Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

    22Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.

  • 29Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

  • 27Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay.

  • 30Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.

  • 75%

    20Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.

    21Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.

  • 1¶ Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.

  • 16Markaasuu Yeehuu gaadhifaras fuulay, oo wuxuu tegey xagga Yesreceel, waayo, Yooraam baa halkaas jiifay, oo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna wuxuu u yimid inuu Yooraam arko.

  • 75%

    8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

    9Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 1¶ Haddaba Yehooraam ina Axaab ayaa dadka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, taasuna waxay ahayd sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuuna boqor ahaa laba iyo toban sannadood.

  • 21Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

  • 1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

  • 13ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.

  • 9Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.

  • 23Markaasaa Yooraam intuu faraskii dib u ceshaday ayuu cararay oo wuxuu Axasyaah ku yidhi, War Axasyaah, tanu waa khiyaano.