2 Taariikhdii 28:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 1:1 : 1 ¶ Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
  • 1 Taar 3:13 : 13 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,
  • 2 Taar 17:3 : 3 Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,
  • 2 Boq 16:1-9 : 1 ¶ Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah. 2 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman. 3 Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 4 Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba. 5 Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. 6 Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin. 7 Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay. 8 Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur. 9 Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay. 10 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan. 11 Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman. 12 Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey. 13 Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada. 14 Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi. 15 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto. 16 Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan. 17 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah. 18 Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba. 19 Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 20 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
  • Ish 7:1-9 : 1 ¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. 2 Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale. 3 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha, 4 oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona. 5 Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen, 6 Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel, 7 taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto. 8 Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan, 9 oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan. 10 ¶ Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare. 12 Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.
  • Hos 1:1 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
  • Miik 1:1 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
  • Mat 1:9 : 9 Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 16:1-3
    3 aayado
    96%

    1¶ Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

    2Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

    3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

  • 80%

    8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

    9Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 79%

    19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    20Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 78%

    1¶ Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 78%

    25¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

  • 27Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 77%

    21Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.

    22Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.

  • 77%

    33Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

    34Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.

  • 2 Boq 15:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

    3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 2 Boq 18:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.

    3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 32Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.

  • 75%

    1¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    2Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

  • 75%

    3Cusiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

    4Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 2 Boq 14:2-3
    2 aayado
    75%

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.

    3Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.

  • 75%

    1¶ Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee ma uu gelin macbudkii Rabbiga, oo dadkiina weliba way sii xumaadeen.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse qalbi daacad ah kuma uu samayn.

  • 74%

    51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

    52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 11Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.

  • 32Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 28Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 29¶ Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 38Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 29¶ Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

  • 2Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 20Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale.

  • 73%

    17Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.

    18Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.

  • 5¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

  • 20Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, laakiinse uma uu samayn sidii boqorradii dalka Israa'iil oo isaga ka horreeyey.