2 Boqorradii 18:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 15:30 : 30 Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.
  • 2 Boq 16:2 : 2 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.
  • 2 Boq 16:20-17:1 : 20 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah. 1 ¶ Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood.
  • 2 Boq 18:9 : 9 ¶ Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
  • 1 Taar 3:13 : 13 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,
  • 2 Taar 28:27-29:1 : 27 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah. 1 ¶ Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah.
  • Mat 1:9-9 : 9 Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah, 10 Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 18:2-3
    2 aayado
    82%

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.

    3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 2 Boq 16:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

    2Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

  • 2 Boq 17:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood.

    2Oo wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, laakiinse uma uu samayn sidii boqorradii dalka Israa'iil oo isaga ka horreeyey.

    3Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro.

  • 79%

    1¶ Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 79%

    25¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

  • 78%

    9¶ Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.

    10Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.

  • 1¶ Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 13wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,

  • 1¶ Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.

  • 29¶ Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

  • 32¶ Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

  • 1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

  • 20Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 74%

    16¶ Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    17Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.

  • 1¶ Haddaba Yehooraam ina Axaab ayaa dadka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, taasuna waxay ahayd sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuuna boqor ahaa laba iyo toban sannadood.

  • 1¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

  • 1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 1¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.

  • 27Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 41¶ Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.

  • 1¶ Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood; oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa shan iyo konton sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xefsiibaah.

  • 13¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

  • 1¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • 1¶ Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 2¶ Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa.

  • 5Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey.

  • Mat 1:9-10
    2 aayado
    72%

    9Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,

    10Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah,

  • 1¶ Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.

  • 21Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.

  • 8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

  • 10¶ Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.

  • 30Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.

  • 9¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 29¶ Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

  • 1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 1¶ Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

  • 37Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.

  • 23¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.

  • 27¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood.

  • 3¶ Oo Boqor Yoosiyaah sannaddiisii siddeed iyo tobnaad wuxuu Shaafaan ina Asalyaah oo ahaa ina Meshullaam oo karraanigii ahaa u diray gurigii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,