2 Boqorradii 16:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 1:1 : 1 ¶ Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
  • Ish 7:1 : 1 ¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
  • Hos 1:1 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
  • Miik 1:1 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
  • 2 Boq 15:27-30 : 27 ¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood. 28 Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey. 29 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay. 30 Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.
  • 2 Boq 15:32-33 : 32 ¶ Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday. 33 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.
  • 2 Boq 15:38 : 38 Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.
  • 2 Taar 28:1-4 : 1 ¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman, 2 laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay. 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 4 Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 16:2-3
    2 aayado
    87%

    2Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

    3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 86%

    1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

    2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

  • 83%

    25¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

  • 2 Boq 15:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

  • 2 Boq 18:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.

  • 81%

    32¶ Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    33Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 29¶ Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

  • 80%

    8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

    9Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

  • 78%

    37Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.

    38Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 78%

    19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    20Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 1¶ Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood.

  • 1¶ Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.

  • 27¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood.

  • 1¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • 5Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • 10¶ Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.

  • 29¶ Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

  • 16¶ Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 1¶ Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 9¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 23¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.

  • 30Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.

  • 22Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.

  • 41¶ Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.

  • 16¶ Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.

  • 1¶ Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

  • 21Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

  • 1¶ Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 73%

    1¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    2Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

  • 7Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

  • 16Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.

  • 1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 3Cusiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

  • 1¶ Haddaba Yehooraam ina Axaab ayaa dadka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, taasuna waxay ahayd sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuuna boqor ahaa laba iyo toban sannadood.

  • 11Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.

  • 17¶ Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad ayaa Menaxeem ina Gaadii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo Samaariya ayuu toban sannadood boqor ku ahaa.

  • 9Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,

  • 27Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.