2 Boqorradii 14:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 15:13 : 13 ¶ Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa.
  • 2 Boq 21:24 : 24 Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayeen kuwii Boqor Aamoon sirqooleen oo dhan, markaasaa dadkii dalku waxay meeshiisii boqor ka dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
  • 1 Taar 3:12 : 12 wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam,
  • Mat 1:8-9 : 8 Aasana wuxuu dhalay Yoosafaad, Yoosafaadna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusyaah, 9 Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,
  • 2 Taar 26:1 : 1 ¶ Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    1¶ Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

    2Oo isna Eelood wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.

    3Cusiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

    4Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 2 Boq 15:1-3
    3 aayado
    83%

    1¶ Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

    3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 2 Boq 14:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.

  • 2 Boq 15:6-8
    3 aayado
    77%

    6Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    7Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.

    8¶ Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.

  • 1¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

  • 76%

    22Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.

    23¶ Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.

  • 76%

    16Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.

    17¶ Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.

    18Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    19Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.

    20Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay Yeruusaalem oo ah magaaladii Daa'uud.

  • 1¶ Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.

  • 21Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

  • 2 Boq 16:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

    2Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

  • 8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

  • 73%

    32¶ Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    33Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

    34Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.

  • 25¶ Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu noolaa shan iyo toban sannadood oo ka dambaysay dhimashadii Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

  • 21Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.

  • 12wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam,

  • 29¶ Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.

  • 72%

    24¶ Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah.

    25¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

  • 10¶ Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.

  • 1¶ Oo Amasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yehoocaddaan tii reer Yeruusaalem.

  • 24Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayeen kuwii Boqor Aamoon sirqooleen oo dhan, markaasaa dadkii dalku waxay meeshiisii boqor ka dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.

  • 1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

  • 11¶ Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood.

  • 25Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.

  • 27Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

  • 1¶ Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 26Oo isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.

  • 16¶ Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 1¶ Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.

  • 9¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 27Haddaba Amasyaah markuu gees uga leexday Rabbiga lasocodkiisii dabadeed shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.

  • 13Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.

  • 1¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.