2 Boqorradii 21:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:14 : 14 Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.
  • 2 Boq 21:2-7 : 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 3 Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan. 4 Oo wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda. 5 Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga. 6 Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey. 7 Oo sanamkii xardhanaa ee geedihii Asheeraah ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Rabbigu ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
  • 2 Boq 21:11 : 11 Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,
  • 2 Taar 33:22-23 : 22 Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale. Oo Aamoon wuxuu allabari u bixiyey sanamyadii xardhanaa ee uu aabbihiis Manaseh sameeyey oo dhan, wuuna u adeegay. 23 Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay.
  • Mat 23:32 : 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
  • Fal 7:51 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    20Markaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay gurigiisii, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon.

    21¶ Oo Aamoonna markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa laba sannadood.

    22Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale. Oo Aamoon wuxuu allabari u bixiyey sanamyadii xardhanaa ee uu aabbihiis Manaseh sameeyey oo dhan, wuuna u adeegay.

    23Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay.

  • 2 Boq 21:1-2
    2 aayado
    86%

    1¶ Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood; oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa shan iyo konton sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xefsiibaah.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 83%

    21Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis ku socday oo dhan, oo wuxuu u adeegay sanamyadii aabbihiis u adeegay oo dhan, wuuna caabuday.

    22Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiisna wuu ka tegey oo kuma uu socon jidkii Rabbiga.

    23Markaasaa Aamoon addoommadiisii sirqooleen, oo waxay boqorkii ku dhex dileen gurigiisii.

  • 82%

    16Oo weliba Manaseh wuxuu daadiyey dhiig badan oo aan xaq qabin ilaa uu ka buuxiyey Yeruusaalem dhinac ilaa dhinac, wuxuu kaloo sameeyey dembigiisii uu dadka Yahuudah dembaajiyey, markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa.

    17Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo dembigiisii uu dembaabay oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    18Kolkaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay beertii gurigiisa, taasoo ahayd beertii Cuusaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon.

    19¶ Oo Aamoon markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo laba sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ka ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Meshullemed ina Xaaruus oo reer Yotbaah ahaa.

  • 82%

    1¶ Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa shan iyo konton sannadood.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 32Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 37Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 80%

    52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

    53Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

  • 11Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,

  • 9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii uu aabbihiis sameeyey oo dhan.

  • 19Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.

  • 18Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah; oo isagu wakhtigiisii oo dhan kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 2Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.

  • 24Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.

  • 9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 26Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.)

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 24Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 11Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.

  • 9Laakiinse way dhegaysan waayeen, oo Manaseh ayaa iyagii ku sasabay inay sameeyaan shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.

  • 28Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 74%

    3Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.

    4Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.

  • 73%

    25Haddaba Aamoon falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    26Oo isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.

  • 26Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 21Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.

  • 34Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.

  • 6Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, laakiinse uma samayn sidii aabbihiis iyo sidii hooyadiis u sameeyeen oo kale, waayo, wuu riday tiirkii Bacal oo aabbihiis sameeyey.

  • 3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 32Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.

  • 9Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.

  • 5¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

  • 18Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.