18Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo baryadii uu Ilaahiis baryay, iyo erayadii wax arkayaashii ay isaga kula hadleen magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, bal eeg, waxay ku qoran yihiin kitaabkii falimihii boqorradii dalka Israa'iil.
19Oo baryootankiisii, iyo siduu Ilaah isaga u aqbalay, iyo dembigiisii iyo xadgududkiisii oo dhan, iyo meelihii uu meelo sarsare ka dhisay ee uu qotomiyey geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa intuusan is-hoosaysiin, bal eeg, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Xoosay.