2 Taariikhdii 34:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 29:2 : 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
  • Maah 4:27 : 27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
  • Sharc 5:32 : 32 Haddaba waa inaad dhawrtaan oo u samaysaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray. Waa inaydaan u leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
  • Sharc 17:11 : 11 Oo siduu yahay sharciga ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona.
  • Sharc 17:20 : 20 si uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.
  • Sharc 28:14 : 14 oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan.
  • Yash 1:7 : 7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona.
  • Yash 23:6 : 6 Sidaas daraaddeed aad u dhiirranaada inaad xajisaan oo yeeshaan kulli waxa ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse, iyo inaydnaan sharcigaas uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
  • 1 Boq 14:8 : 8 oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,
  • 1 Boq 15:5 : 5 maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.
  • 2 Boq 22:2 : 2 Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
  • 2 Taar 14:2 : 2 ¶ Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa,
  • 2 Taar 17:3 : 3 Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 22:1-2
    2 aayado
    96%

    1¶ Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ka ahaa kow iyo soddon sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Yediidaah ina Cadaayaah oo reer Bosqad ahaa.

    2Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 32Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.

  • 2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 34Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.

  • 3Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 43Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa ku socday oo dhan, oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sare.

  • 4Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

  • 2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee ma uu gelin macbudkii Rabbiga, oo dadkiina weliba way sii xumaadeen.

  • 78%

    3Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,

    4laakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil.

  • 2Oo Yehoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii uu wadaadkii Yehooyaadaac isaga baray oo dhan.

  • 2Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan.

  • 1¶ Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.

  • 76%

    31Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

    32Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.

    33Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 2¶ Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa,

  • 52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.

  • 11Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.

  • 3Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse qalbi daacad ah kuma uu samayn.

  • 11Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.

  • 20Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

  • 32Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 3Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.

  • 37Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 74%

    1¶ Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,

    2laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.

  • 2 Boq 18:5-6
    2 aayado
    73%

    5Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.

    6Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.

  • 25Oo isaga hortiis ma jirin boqor la mid ah oo Rabbiga ugu soo jeestay qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan iyo xooggiisa oo dhan siduu ahaa sharcigii Muuse oo dhan, oo isagii dabadiisna ma uu kicin boqor la mid ahu.

  • 2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, laakiinse uma samayn sidii aabbihiis iyo sidii hooyadiis u sameeyeen oo kale, waayo, wuu riday tiirkii Bacal oo aabbihiis sameeyey.

  • 5maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.

  • 2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii uu aabbihiis sameeyey oo dhan.

  • 2Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.

  • 72%

    21Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis ku socday oo dhan, oo wuxuu u adeegay sanamyadii aabbihiis u adeegay oo dhan, wuuna caabuday.

    22Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiisna wuu ka tegey oo kuma uu socon jidkii Rabbiga.

  • 4Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 2 Boq 16:2-3
    2 aayado
    72%

    2Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

    3Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 24Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.

  • 26Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanwanaagsanaa, sida ku qoran sharciga Rabbiga,

  • 3oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

  • 9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.