2 Taariikhdii 23:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 11:9 : 9 Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.
  • 1 Taar 24:1-9 : 1 ¶ Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 2 Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar. 3 Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd. 4 Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen. 5 Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba. 6 Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar. 7 Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah, 8 kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim, 9 kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin, 10 kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah, 11 kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah, 12 kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim, 13 kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab, 14 kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer, 15 kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees, 16 kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel, 17 kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul, 18 kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah. 19 Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray. 20 ¶ Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah. 21 Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa. 22 Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad. 23 Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad. 24 Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir. 25 Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah. 26 Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    7Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.

    8Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

    9Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.

    10Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.

  • 76%

    6Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.

    7Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

  • 75%

    9Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil.

    10Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.

  • 2 Boq 11:4-5
    2 aayado
    75%

    4Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.

    5Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;

  • 74%

    14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

    15Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.

  • 74%

    16¶ Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.

    17Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.

    18Markaasaa Yehooyaadaac hawshii guriga Rabbiga u doortay wadaaddadii reer Laawi ahaa oo Daa'uud ku dhex qaybiyey guriga Rabbiga, inay qurbaannada la gubo oo Rabbiga u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharcigii Muuse, iyagoo faraxsan oo gabyaya siduu ahaa amarkii Daa'uud.

    19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.

  • 73%

    1¶ Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.

    2Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.

  • 4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,

  • 71%

    5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.

    6Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed?

  • 10Sidaasaa hawshii loo hagaajiyey, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina waxay kala istaageen meelahoodii siday kooxahoodii kala ahaayeen, taasoo waafaqsan boqorka amarkiisii.

  • 22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

  • 2¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.

  • 11Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,

  • 11Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.

  • 69%

    15Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.

    16Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah.

  • 20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 68%

    8Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.

    9Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.

  • 31Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,

  • 18Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.

  • 14Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.

  • 19Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.

  • 8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.

  • 14Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa soo bixiyey boqol-u-taliyayaasha ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka dhex mariya, oo kii soo raacana seef ha lagu dilo, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada ha ku dhex dilina guriga Rabbiga.

  • 8Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 67%

    15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

    16Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.

  • 6Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 20Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.

  • 28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

  • 24Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,

  • 14Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.

  • 16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.