2 Taariikhdii 27:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba wuxuu la diriray oo ka adkaaday boqorkii reer Cammoon. Oo reer Cammoonna isla sannaddaasba waxay isagii siiyeen boqol talanti oo lacag ah, iyo toban kun oo kor oo sarreen ah, iyo toban kun oo kor oo shaciir ah. Oo reer Cammoon intaas ayay siiyeen sannaddii labaad iyo sannaddii saddexaadba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 11:4-9 : 4 ¶ Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil. 5 Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob; 6 oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee. 7 Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira? 8 Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay ku yidhaahdeen Yeftaah, War haatan waannu kuu soo noqonnay si aad noo raacdid oo aad ula dirirtid reer Cammoon, oo madax ayaad noo noqonaysaa oo waxaad ugu sarraynaysaa dadka deggan dalka Gilecaad oo dhan. 9 Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa? 10 Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Taas Rabbigu ha ka noqdo marag inoo dhexaya; oo hubaal waxaannu yeelaynaa siduu eraygaagu yahay. 11 Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah. 12 ¶ Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa? 13 Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi. 14 Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon; 15 oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona: 16 laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh; 17 markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh. 18 Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab. 19 Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii. 20 Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray. 21 Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba. 22 Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun. 23 Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga? 24 Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa. 25 Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil? 26 Oo intii reer binu Israa'iil ay degganaayeen Xeshboon iyo magaalooyinkeedii, iyo Carooceer iyo magaalooyinkeedii, iyo magaalooyinkii Arnoon dhinaceeda ku yiil oo dhan, intaasu waxay ahayd saddex boqol oo sannadood ee maxaad wakhtigaas u soo qabsan weydeen? 27 Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon. 28 Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray. 29 ¶ Markaasaa Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yeftaah, oo wuxuu soo dhaafay reer Gilecaad iyo reer Manaseh, oo wuxuu soo dhaafay Misfaah tii reer Gilecaad, oo markaasuu Misfaah tii reer Gilecaadna wuxuu uga sii gudbay xagga reer Cammoon. 30 Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso, 31 markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo. 32 Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey. 33 Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
  • 2 Sam 10:1-9 : 1 ¶ Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa. 2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon. 3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan? 4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. 5 Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. 6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin. 7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. 8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. 9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan. 11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa. 12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.
  • 2 Taar 20:1 : 1 ¶ Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.
  • Yer 49:1-6 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad? 2 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay. 3 Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba. 4 Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya? 5 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto. 6 Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    6Oo sidaasuu Yootam u xoogaystay, maxaa yeelay, jidadkiisa ayuu ku hor toosiyey Rabbiga Ilaahiisa ah.

    7Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

    8Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

    9Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

  • 71%

    1¶ Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

    2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee ma uu gelin macbudkii Rabbiga, oo dadkiina weliba way sii xumaadeen.

    3Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo guriga Rabbiga, oo derbigii Cofel dushiisana wax badan buu ka dhisay.

    4Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.

  • 69%

    6Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah.

    7Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen.

  • Xaak 11:4-5
    2 aayado
    67%

    4¶ Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.

    5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;

  • 6Oo weliba boqol kun oo nin oo ah rag xoog badan ayuu dalkii Israa'iil kaga soo kiraystay boqol talanti oo lacag ah.

  • 67%

    32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

    33Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

  • 9Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.

  • 67%

    32¶ Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

    33Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 67%

    27Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon.

    28Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.

  • 1¶ Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.

  • 67%

    12¶ Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?

    13Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.

    14Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;

    15oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:

  • 26¶ Markaasaa Yoo'aab la diriray Rabbaah oo ahayd magaaladii reer Cammoon, wuuna qabsaday magaaladii reer boqor.

  • 66%

    11Oo reer Falastiin qaarkood ayaa Yehooshaafaad u keenay gabbaro iyo lacag baad ah, oo weliba Carabtiina waxay u keeneen adhi badan oo ah toddoba kun iyo toddoba boqol oo wan iyo toddoba kun iyo toddoba boqol oo orgi.

    12Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.

    13Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.

  • 2Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.

  • 6Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin.

  • 13Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.

  • 25Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.

  • 1¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.

  • 13Laakiinse raggii ciidankii ee Amasyaah dib u diray oo u diiday inay isaga dagaalka u raacaan, waxay weerar ku dhufteen magaalooyinkii dalka Yahuudah, tan iyo Samaariya iyo ilaa Beytxooroon, oo waxay ka laayeen saddex kun oo qof, oo maal badanna way ka dhaceen.

  • 5Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.

  • 2Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.

  • 8Oo reer Cammoonna waxay Cusiyaah siin jireen gabbaro, oo magiciisiina wuxuu ku faafay oo gaadhay xataa meesha Masar laga galo, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u xoogaystay.

  • 1¶ Oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco.

  • 36Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 7Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.

  • 14Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.

  • 6Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.

  • 7Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.

  • 5Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.

  • 12Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 25¶ Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.

  • 8Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen.