2 Boqorradii 13:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 13:14-25 : 14 ¶ Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! 15 Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay. 16 Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka. 17 Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso. 18 Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday. 19 Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya. 20 ¶ Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab. 21 Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday. 22 ¶ Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan. 23 Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin. 24 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad. 25 Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.
  • 2 Boq 14:8-9 : 8 ¶ Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee. 9 Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday. 10 Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan? 11 Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay. 12 Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii. 13 Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun. 14 Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday. 15 Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? 16 Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
  • 2 Boq 14:25 : 25 Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
  • 2 Taar 25:17-24 : 17 ¶ Markaasaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tashaday, oo wuxuu u cid diray Yoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee. 18 Kolkaasaa Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee, oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday. 19 Waxaad leedahay, Bal eeg, waxaan laayay reer Edom, oo sidaas daraaddeed waad isla weynaatay, waadna faanaysaa, haddaba gurigaaga iska joog. Bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan? 20 Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay, maxaa yeelay, waxay ka timid xagga Ilaah inuu iyaga cadowgooda gacanta u geliyo, waayo, iyagu waxay doonteen ilaahyadii reer Edom. 21 Markaasuu Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay. 22 Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii. 23 Oo Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, kaasoo ahaa ina Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem u soo kaxeeyey ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun. 24 Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    15Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

    16Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.

    17¶ Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.

    18Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 90%

    18Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.

    19Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 86%

    8Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

    9Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.

    10¶ Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.

    11Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.

  • 83%

    25¶ Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu noolaa shan iyo toban sannadood oo ka dambaysay dhimashadii Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    26Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil?

  • 18Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 45Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 28Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 36Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 7Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 6Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 19Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 27Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 23Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 34Haddaba Yeehuu falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 13Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.

  • 28Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 11Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 31Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 5Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 21Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 15Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 7Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.

  • 34Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

  • 11Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

  • 31Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?

  • 26Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 32Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanaagsanaa oo dhammu waxay ku qoran yihiin waxyaalihii la tusay Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos, kuwaasoo ku yaal kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 5Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 14Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 25Haddaba Aamoon falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 27iyo falimihiisii intii hore iyo intii dambeba waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 20Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 39Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 3Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.

  • 26Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 1¶ Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 11Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 13Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.

  • 21Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

  • 27Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.