2 Boqorradii 23:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 20:20 : 20 Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 45Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 19Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 23Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 36Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 83%

    26Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanwanaagsanaa, sida ku qoran sharciga Rabbiga,

    27iyo falimihiisii intii hore iyo intii dambeba waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 8Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 6Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 18Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 18Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 26Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 34Haddaba Yeehuu falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 80%

    25Haddaba Aamoon falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    26Oo isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.

  • 26Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil?

  • 12Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 7Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 15Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 34Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

  • 28Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 17Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo dembigiisii uu dembaabay oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 8Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.

  • 27Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 32Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanaagsanaa oo dhammu waxay ku qoran yihiin waxyaalihii la tusay Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos, kuwaasoo ku yaal kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 77%

    29Oo isaga wakhtigiisii ayaa Fircoon Nekoo oo boqorka Masar ahaa ku kacay boqorkii Ashuur ilaa Webi Yufraad, oo waxaa isagii ku soo baxay Boqor Yoosiyaah, markaasaa Fircoon Nekoo isagii ku dilay Megiddoo agteeda markuu arkay.

    30Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.

  • 39Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 21Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 31Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 31Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?

  • 19Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 5Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 14Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 20Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 23Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.

  • 11Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 7Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.

  • 41¶ Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xigmaddiisiiba, sow kuma qorna kitaabkii falimaha Sulaymaan?

  • 19Oo guryihii meelaha sarsare oo dhan ee ku yiil magaalooyinka Samaariya ee ay boqorradii dalka Israa'iil u dhiseen inay Rabbiga kaga xanaajiyaan ayuu Yoosiyaah wada dumiyey, oo wuxuu ku sameeyey falimihii uu Beytel ku sameeyey oo kale.

  • 18Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo baryadii uu Ilaahiis baryay, iyo erayadii wax arkayaashii ay isaga kula hadleen magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, bal eeg, waxay ku qoran yihiin kitaabkii falimihii boqorradii dalka Israa'iil.

  • 11Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 26Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 20Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 24Sidaas daraaddeed addoommadiisii gaadhifaraskii way ka dejiyeen oo waxay saareen gaadhifaraskii labaad ee uu lahaa, oo waxay isagii keeneen Yeruusaalem, halkaasuuna ku dhintay, oo waxaa lagu aasay qabuurihii awowayaashiis. Oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan Yoosiyaah way u baroorteen.

  • 24Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga.

  • 2Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 15Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.