1 Boqorradii 15:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 14:29-31 : 29 Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 30 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba. 31 Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.
  • 1 Boq 15:7-8 : 7 Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey. 8 Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.
  • 2 Taar 16:11-14 : 11 Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil. 12 Oo sannaddii sagaal iyo soddonaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa cagaha ka bukooday, oo cudurkiisiina aad iyo aad buu u weynaa, oo weliba isagu cudurkiisii Rabbiga uma uu doonin laakiinse wuxuu u doondoonay dhakhtarrada. 13 Oo sannaddii kow iyo afartanaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis. 14 Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.
  • Sab 90:10 : 10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    11Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

    12Oo sannaddii sagaal iyo soddonaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa cagaha ka bukooday, oo cudurkiisiina aad iyo aad buu u weynaa, oo weliba isagu cudurkiisii Rabbiga uma uu doonin laakiinse wuxuu u doondoonay dhakhtarrada.

    13Oo sannaddii kow iyo afartanaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis.

  • 24Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad

  • 6Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 76%

    45Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    46Oo makhnuudyadii intii wakhtigii aabbihiis Aasaa ka hadhayna dalka wuu ka wada eryay.

  • 22Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.

  • 19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 18Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 28Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 5Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 17Laakiinse meelihii sarsare dalka Israa'iil lagama baabbi'in, habase yeeshee Aasaa qalbigiisu wuu qummanaa cimrigiisii oo dhan.

  • 19Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 26Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 1 Boq 15:7-9
    3 aayado
    72%

    7Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.

    8Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.

    9¶ Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.

  • 36Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 39Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 8Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 23Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 18Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 32Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanaagsanaa oo dhammu waxay ku qoran yihiin waxyaalihii la tusay Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos, kuwaasoo ku yaal kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.

  • 14Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba.

  • 71%

    31Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?

    32Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.

  • 21Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 12Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 2Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.

  • 15Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 31Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 11Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.

  • 69%

    16Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    17Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    18Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Markaasaa Boqor Aasaa soo kaxaystay dadkii Yahuudah oo dhan, oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah oo uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasuu ku dhisay Gebac iyo Misfaah.

  • 27Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 14Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 69%

    1¶ Markaasaa Abiiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa, oo wakhtigiisiina dalku wuu xasilloonaa intii toban sannadood ah.

    2¶ Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa,

  • 19Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.

  • 28Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

  • 20Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 19Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 26Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

  • 17Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo dembigiisii uu dembaabay oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 34Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

  • 26Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil?