2 Taariikhdii 29:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 15:16 : 16 Oo weliba Macakaah oo ahayd Boqor Aasaa hooyadiis boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey oo wuxuu ka dhigay boodh, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.
  • Yex 36:29 : 29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
  • Mat 21:12-13 : 12 ¶ Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.
  • Mat 23:27 : 27 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.
  • Yoox 18:1 : 1 ¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.
  • Cib 9:2-8 : 2 Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd. 3 Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada, 4 isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga; 5 dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin. 6 Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya. 7 Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo. 8 Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.
  • Cib 9:23-24 : 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
  • Bax 26:33-34 : 33 Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin. 34 Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.
  • 2 Sam 15:23 : 23 Oo waddankii oo dhanna waxaa lagaga ooyay cod weyn, oo dadkii oo dhammuna webigii way ka gudbeen; oo boqorka qudhiisii wuu ka gudbay toggii Qidroon, oo dadkii oo dhammuna waxay u gudbeen xagga cidlada.
  • 1 Boq 6:19-20 : 19 Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga. 20 Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.
  • 2 Boq 23:4-6 : 4 Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday. 5 Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan. 6 Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.
  • 2 Taar 3:8 : 8 Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti.
  • 2 Taar 5:7 : 7 Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

  • 84%

    4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal.

    5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

  • 84%

    17Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad.

    18Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba.

    19Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga.

    21Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo.

  • 30Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.

  • 79%

    14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.

    15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

  • Nex 13:29-30
    2 aayado
    77%

    29Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.

    30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Tir 8:6-7
    2 aayado
    75%

    6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

    7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.

  • 74%

    8¶ Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.

    9Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

    10Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.

  • 4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

  • 34Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan.

  • 30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

  • 11Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.

  • 6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

  • 14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 10Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga.

  • Cesr 8:29-30
    2 aayado
    73%

    29Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.

    30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.

  • 20Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.

  • 2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

  • 6Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.

  • 15Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 11Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,

  • 4Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.

  • 17Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.

  • 30waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa.

  • 17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.

  • 21Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.

  • 16Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan.

  • 22Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.

  • 14Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.

  • 19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.

  • 13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

  • 12Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.