2 Taariikhdii 29:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 4:1 : 1 ¶ Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay.
  • 2 Taar 4:7-8 : 7 Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. 8 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban miis, oo iyagiina wuxuu dhex dhigay macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. Oo wuxuu kaloo sameeyey boqol maddiibadood oo dahab ah.
  • 2 Taar 13:11 : 11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    19Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga.

  • 80%

    15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

    16Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.

    17Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad.

  • 9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

  • 5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

  • 31Markaasaa Xisqiyaah jawaabay oo yidhi, Hadda idinku waxaad quduus isaga dhigteen Rabbiga, haddaba soo dhowaada oo guriga Rabbiga waxaad soo gelisaan allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah. Kolkaasaa shirkii soo gesheen allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo in alla intii qalbigoodu raalli ahaana waxay keeneen qurbaanno la gubo.

  • 11¶ Markaasaa Xisqiyaah amray in guriga Rabbiga qolal laga diyaariyo, waana la diyaariyey.

  • 36iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

  • 35Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey.

  • Bax 31:8-9
    2 aayado
    74%

    8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

    9iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,

  • Bax 30:27-28
    2 aayado
    74%

    27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

    28iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

  • 19Oo Sulaymaan baa sameeyey weelashii guriga Ilaah tiil oo dhan, iyo weliba girgirihii dahabka ahaa, iyo miisaskii ay kibistii tusniintu saarnayd,

  • 4Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.

  • 15Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.

  • 73%

    15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.

    16Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.

  • 73%

    8Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen.

    9Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii.

  • 48Oo Sulaymaan baa sameeyey alaabtii guriga Rabbiga tiil oo dhan, kuwaasoo ahaa girgirihii dahabka ahaa, iyo miiskii ay kibistii tusniinta saarnayd oo dahabka ahaa;

  • 12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.

  • 13iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta,

  • 18Oo gurigii Ilaah wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

  • 72%

    8¶ Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.

    9Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

  • 72%

    16Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.

    17Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.

  • 18Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.

  • 22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

  • 71%

    1¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

    2¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.

  • 29Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen.

  • 71%

    28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

    29Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,

  • 9Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya.

  • 13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

  • 15Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

  • 2Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.

  • 14¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.

  • 13Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.

  • 14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • 11Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 7Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin.