2 Taariikhdii 3:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 6:23-28 : 23 Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun. 24 Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun. 25 Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab. 26 Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa. 27 Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa. 28 Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.
  • Bax 25:18 : 18 Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Taar 3:4-9
    6 aayado
    87%

    4Oo balbaladii guriga ka horraysayna dhererkeedu wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisu oo labaatan dhudhun ahaa, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa boqol iyo labaatan dhudhun, oo wuxuu gudaha hoose kaga dahaadhay dahab saafiya.

    5Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado.

    6Oo gurigiina wuxuu ku qurxiyey dhagaxyo qaali ah, dahabkuna wuxuu ahaa dahabkii Farwaayim.

    7Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay.

    8Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti.

    9Oo musmaarrada miisaankooduna wuxuu ahaa konton sheqel oo dahab ah, oo qolalkii sarena wuxuu ku dahaadhay dahab.

  • 1 Boq 6:20-30
    11 aayado
    87%

    20Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.

    21Sidaasuu Sulaymaan gurigii gudaha ku yiil ugu dahaadhay dahab saafi ah; oo silsilado dahab ah ayuu ku xidhay meeshii quduuska ahayd horteeda, wuxuuna ku wada dahaadhay dahab.

    22Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.

    23Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.

    24Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.

    25Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.

    26Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.

    27Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.

    28Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.

    29Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan.

    30Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.

  • Bax 37:6-9
    4 aayado
    84%

    6Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

    7Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.

    8Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.

    9Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

  • Bax 25:18-20
    3 aayado
    82%

    18Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.

    19Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan.

    20Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka.

  • 35Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii.

  • 80%

    11Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    12Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    13Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.

    14Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.

    15Oo weliba guriga hortiisana wuxuu ku sameeyey laba tiir oo mid kasta dhererkiisu yahay shan iyo soddon dhudhun, oo mid kastana taajkii saarnaa wuxuu ahaa shan dhudhun.

  • 32Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa.

  • 3Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.

  • 18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.

  • Bax 36:34-35
    2 aayado
    77%

    34Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

    35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

  • 2Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 18Oo waxaa lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo geed timireedba wuxuu ku dhex yiil laba keruub, oo keruub kastaaba wuxuu lahaa laba weji.

  • 1 Boq 8:6-7
    2 aayado
    76%

    6Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

    7Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

  • 26Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 11oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 20Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.

  • 31¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

  • 2 Taar 5:7-8
    2 aayado
    75%

    7Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

    8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

  • 11Oo waa inaad ku dahaadhaa dahab saafi ah, oo gudaha iyo dibaddaba waa inaad ka dahaadhaa, oo dushiisana waa inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 36Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.

  • 3Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 5dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin.

  • 18Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.