Yexesqeel 41:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo geed timireedba wuxuu ku dhex yiil laba keruub, oo keruub kastaaba wuxuu lahaa laba weji.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 7:36 : 36 Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.
  • Yex 40:16 : 16 Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.
  • Yex 40:22 : 22 Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.
  • 2 Taar 3:7 : 7 Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay.
  • Yex 10:21 : 21 Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.
  • Yex 1:10 : 10 Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
  • Yex 10:14 : 14 Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.
  • Yex 41:20 : 20 Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.
  • Yex 41:25 : 25 Oo waxaa albaabbada macbudka lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo u ekaa kuwii derbiyada lagu sharraxay, oo balbalada dibadda horteedana waxaa ku yiil looxaan qaro weyn.
  • Muj 4:7-9 : 7 Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya. 8 Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona. 9 ¶ Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis,
  • Muj 7:9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.
  • 2 Taar 3:5 : 5 Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado.
  • 1 Boq 6:29-32 : 29 Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan. 30 Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba. 31 Oo meesha ugu quduusan iriddeedana wuxuu u yeelay albaabbo ah qoryo saytuun; fayaaraddu labadeeda dhinac iyo meesheeda sare waxay ahaayeen derbiga meeshiisii shanaad. 32 Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa.
  • 1 Boq 6:35 : 35 Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 41:19-21
    3 aayado
    90%

    19Oo mid nin wejigiis u egu wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinacan ku yaal xaggiisa, oo mid aaran libaax wejigiis u eguna wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinaca kale ku yaal xaggiisa, oo daarta hareereheeda oo dhanna saasaa lagu wada sameeyey.

    20Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.

    21Oo macbudka tiirarkiisuba waxay ahaayeen afar gees, oo meesha quduuska ah horteeduna way u ekayd.

  • Yex 41:23-26
    4 aayado
    86%

    23Oo macbudka iyo meesha quduuska ahu waxay lahaayeen laba albaab.

    24Oo labada albaab midkiiba wuxuu lahaa laba qaybood, kuwaasoo ah laba qaybood oo isku laalaaban. Albaab wuxuu lahaa laba qaybood, oo albaabka kalena wuxuu lahaa laba qaybood.

    25Oo waxaa albaabbada macbudka lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo u ekaa kuwii derbiyada lagu sharraxay, oo balbalada dibadda horteedana waxaa ku yiil looxaan qaro weyn.

    26Oo balbalada dhinacyadeeda waxaa ku yiil daaqado cidhiidhsan iyo geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba ku yaal oo daarta qolladeheeduna saasoo kalay ahaayeen, iyo looxaantii qarada weynayd.

  • 1 Boq 6:23-35
    13 aayado
    82%

    23Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.

    24Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.

    25Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.

    26Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.

    27Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.

    28Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.

    29Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan.

    30Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.

    31Oo meesha ugu quduusan iriddeedana wuxuu u yeelay albaabbo ah qoryo saytuun; fayaaraddu labadeeda dhinac iyo meesheeda sare waxay ahaayeen derbiga meeshiisii shanaad.

    32Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa.

    33Oo sidaas oo kaluu albaabkii macbudkana ugu yeelay fayaarad qoryo saytuun ah, kaasoo ku yiil derbiga meeshiisa afraad;

    34iyo laba albaab oo qoryo beroosh ah; oo albaabbada midkood wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma, kan kalena wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma.

    35Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii.

  • 36Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.

  • Yex 41:16-17
    2 aayado
    80%

    16iyo marinnadii albaabbada, iyo daaqadihii cidhiidhsanaa, iyo balbalooyinkii ku wareegsanaa saddexdooda dabaqadoodba, oo marinka albaabka ka soo hor jeedayba waxaa lagu dahaadhay alwaax ku wareegsan tan iyo dhulka iyo ilaa daaqadaha inta ka dhex leh, (oo daaqaduhuna way dednaayeen),

    17iyo albaabka dushiisa, iyo xataa daarta gudaheeda iyo dibaddeeda, iyo derbiga ku wareegsan gudaha iyo dibaddaba, qiyaas buu ku qiyaasay.

  • 16Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.

  • 26Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.

  • 77%

    10Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay.

    11Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    12Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.

    13Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.

    14Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.

  • 34Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

  • Bax 37:7-9
    3 aayado
    76%

    7Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.

    8Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.

    9Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

  • 37Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

  • 31Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

  • 5Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado.

  • Bax 25:18-20
    3 aayado
    74%

    18Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.

    19Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan.

    20Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka.

  • 7Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay.

  • 18Oo guriga gudihiisa waxaa ku jiray qori kedar ah oo la xardhay oo ubbooyin iyo ubax furan loo yeelay; oo kulli wuxuu ahaa qori kedar ah, oo dhagax laguma arag.

  • 14Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.

  • 21Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.

  • 35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

  • 10Oo qolladaha dhexdoodana waxaa ku tiil meel ballaadhkeedu labaatan dhudhun yahay oo daarta dhinac kasta kaga wareegsan.

  • 18Oo saasuu u sameeyey tiirarkii; oo shabaggiiba waxaa kor saarnaa laba saf oo ku wareegsan inay dedaan taajajka tiirarka kor saaran; oo taajkii kalena saasoo kaluu u galay.

  • 29Oo darfaha meelaha u dhexeeyeyna waxaa ku yiil libaaxyo, iyo dibiyo, iyo keruubiim, oo darfaha korkoodana waxaa ku yiil meel la saaro; oo libaaxyada iyo dibiyada hoostoodana waxaa ku yiil ubaxyo ka soo laalaada.

  • 6Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.

  • 22Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.