2 Taariikhdii 32:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 19:12 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen, kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
  • Ish 37:14 : 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
  • Ish 37:28-29 : 28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba. 29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
  • Muj 13:6 : 6 Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.
  • Ish 37:23-24 : 23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil. 24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
  • 2 Boq 19:14 : 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
  • 2 Boq 19:22 : 22 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • 2 Boq 19:28 : 28 Cadhadaadii aad ii cadhootay, Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
  • Nex 6:5 : 5 Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.
  • Ish 10:15 : 15 Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?
  • 2 Boq 19:9 : 9 Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    13War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan?

    14Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo?

    15Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa?

    16Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba.

  • 78%

    9¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    10Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?

    11War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 77%

    18Oo iyagoo afkii Yuhuudda ku hadlaya ayay cod weyn ugu dhawaaqeen dadkii reer Yeruusaalem oo derbiga kor joogay inay iyaga cabsiiyaan oo ay wareeriyaan si ay iyagu magaalada u qabsadaan.

    19Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey.

  • Ish 36:18-20
    3 aayado
    76%

    18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

    19Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?

    20Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?

  • 35Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?

  • Ish 37:9-11
    3 aayado
    75%

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 75%

    28Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    29Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.

    30Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

  • 75%

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 75%

    16Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo.

    17Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii iyo dalalkoodii,

  • 33Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

  • Ish 36:13-15
    3 aayado
    74%

    13Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    14Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.

    15Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

  • Ish 37:13-15
    3 aayado
    74%

    13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?

    14¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.

    15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,

  • Ish 37:17-18
    2 aayado
    74%

    17Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.

    18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,

  • 74%

    21Markaasaa Rabbigu malag soo diray, kaasoo xeradii boqorkii Ashuur ku wada laayay raggii xoogga badnaa, iyo hoggaamiyayaashii, iyo saraakiishii oo dhanba. Sidaas daraaddeed isagoo ceebaysan ayuu dalkiisii ku noqday. Oo markuu gurigii ilaahiisa galay waxaa halkaas seef kaga dilay wiilashii uu dhalay.

    22Sidaasuu Rabbigu Xisqiyaah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba uga badbaadiyey Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur gacantiisii iyo gacantii kuwii kale oo dhanba, oo iyagiina dhinac kasta wuu ka ilaaliyey.

  • 73%

    13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?

    14¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.

  • Ish 37:4-6
    3 aayado
    73%

    4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

    5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.

    6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 73%

    25Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.

    26Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.

  • 31Habase ahaatee markay amiirradii dalka Baabuloon isaga cid ugu soo direen inay soo haybiyaan waxa uu yahay yaabka dalkiisa lagu dhex sameeyo ayaa Ilaah isagii uga tegey inuu tijaabiyo oo ogaado waxa qalbigiisa ku jira oo dhan.

  • 19Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

  • 72%

    1¶ Oo waxyaalahaas iyo aaminnimadaas dabadood waxaa yimid oo dalka Yahuudah soo galay Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur; magaalooyinkii deyrka lahaana ayuu weeraray, wuuna ku talo jiray inuu iyaga qaato.

    2Xisqiyaahna markuu arkay in Seenxeeriib yimid oo uu ku talo jiro inuu Yeruusaalem la diriro,

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.