8¶ Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,
10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?