Ishacyaah 36:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 18:19-37 : 19 Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay? 20 Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa? 21 Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan. 22 Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan? 23 Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid. 24 Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah? 25 Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i. 26 Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan. 27 Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan? 28 Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur. 29 Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo. 30 Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur. 31 Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa, 32 intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. 33 Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur? 34 Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda? 35 Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa? 36 Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina. 37 Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
  • 2 Boq 19:10 : 10 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
  • 2 Taar 32:7-9 : 7 Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira. 8 Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 9 ¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, 10 Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?
  • 2 Taar 32:14-16 : 14 Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo? 15 Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa? 16 Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba.
  • Sab 42:3 : 3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
  • Sab 42:10 : 10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
  • Sab 71:10-11 : 10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan, 11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
  • Maah 16:18 : 18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
  • Ish 10:8-9 : 8 Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha? 9 Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale? 10 Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya, 11 iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin? 12 ¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba. 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.
  • Ish 37:11-15 : 11 Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa? 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa? 13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah? 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa. 15 Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,
  • Yex 31:3-9 : 3 Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha. 4 Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan. 5 Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood. 6 Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen. 7 Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa. 8 Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn. 9 Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan. 10 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis, 11 sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay. 12 Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen. 13 Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan. 14 Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca. 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen. 16 Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey. 17 Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen. 18 ¶ Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Daan 4:30 : 30 Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga?
  • Fal 12:22-23 : 22 Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis. 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
  • Yuud 1:16 : 16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.
  • 2 Boq 18:5 : 5 Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    17¶ Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.

    18Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.

    19Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

    20Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?

  • Ish 36:5-16
    12 aayado
    87%

    5Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?

    6Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

    7Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

    8Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.

    9Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

    10Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.

    11Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.

    12Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?

    13Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    14Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.

    15Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

    16Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,

  • 84%

    9¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    10Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?

    11War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?

  • Ish 37:8-11
    4 aayado
    82%

    8Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 81%

    26Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.

    27Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?

    28Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    29Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.

    30Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

  • 80%

    8¶ Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • Ish 36:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

    2Oo boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.

    3Oo markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.

  • 22Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

  • Ish 37:3-6
    4 aayado
    75%

    3Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.

    4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

    5Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.

    6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

  • 22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 37Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

  • 4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

  • 6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 24Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

  • 16Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.

  • 1¶ Oo waxyaalahaas iyo aaminnimadaas dabadood waxaa yimid oo dalka Yahuudah soo galay Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur; magaalooyinkii deyrka lahaana ayuu weeraray, wuuna ku talo jiray inuu iyaga qaato.