Ishacyaah 36:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 18:7 : 7 Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
  • 2 Boq 24:1 : 1 ¶ Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.
  • Nex 2:19-20 : 19 Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan? 20 Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.
  • Maah 21:30-31 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah. 31 Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.
  • Maah 24:5-6 : 5 Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa. 6 Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
  • Yer 52:3 : 3 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
  • Yex 17:15 : 15 Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    19Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

    20Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?

    21Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

    22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 4Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

  • 82%

    7Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira.

    8Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

    9¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    10Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?

    11War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?

  • Ish 37:9-11
    3 aayado
    80%

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • Ish 36:6-15
    10 aayado
    79%

    6Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

    7Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

    8Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.

    9Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

    10Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.

    11Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.

    12Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?

    13Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    14Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.

    15Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

  • 77%

    9Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,

    10Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.

    11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 76%

    24Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

    25Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.

    26Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.

    27Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?

    28Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

    29Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.

    30Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

  • 6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

  • 5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 13Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.

  • 6Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • Ish 37:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.

    4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

  • 15Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa?

  • Ish 37:17-18
    2 aayado
    71%

    17Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.

    18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,

  • Yer 2:36-37
    2 aayado
    71%

    36Maxaad u warwareegtaa si aad jidadkaaga u beddesho? Ceeb baa dalka Masar kaaga iman doonta siday dalka Ashuur kaaga timid oo kale.

    37Oo weliba isagana waad ka soo bixi doontaa, adigoo gacmahu madaxa kuu saaran yihiin, waayo, Rabbigu waa diiday kuwa aad ku kalsoon tahay oo dhan, oo iyaga innaba ku dhex liibaani maysid.

  • 4Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

  • 24Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.