2 Taariikhdii 5:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 8:8-9 : 8 Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan. 9 Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 8:6-9
    4 aayado
    92%

    6Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

    7Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

    8Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan.

    9Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

  • 2 Taar 5:7-8
    2 aayado
    84%

    7Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

    8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

  • Bax 25:13-16
    4 aayado
    81%

    13Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

    14Oo ulahana waa inaad gelisaa siddooyinka sanduuqa dhinacyadiisa ku yaal, in sanduuqa lagu qaado.

    15Oo uluhu waa inay ku jiraan sanduuqa siddooyinkiisa; oo waana inaan iyaga laga bixin marnaba.

    16Oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

  • 81%

    10Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

    11Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,

  • Bax 37:4-5
    2 aayado
    80%

    4Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

    5Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado.

  • 12iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,

  • 35iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

  • Bax 30:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

    5Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

  • 73%

    14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    15Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 2 Taar 5:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

    5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.

  • Bax 40:20-21
    2 aayado
    72%

    20Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

    21markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 4:5-6
    2 aayado
    72%

    5Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.

    6Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Cib 9:4-5
    2 aayado
    72%

    4isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga;

    5dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin.

  • 15Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

  • 1¶ Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

  • 1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

  • 10¶ Oo waa inay sanduuq ka sameeyaan qori qudhac ah, oo dhererkiisuna waa inuu ahaadaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh.

  • 9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • Bax 37:27-28
    2 aayado
    71%

    27Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

    28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • 19Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.

  • 8oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.

  • Bax 26:32-33
    2 aayado
    70%

    32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

    33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

  • 1 Boq 8:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.

    4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.

  • 3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • 3Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

  • 29Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.

  • 28Oo ulaha waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa, oo aad dahab ku dahaadhaa, in miiska lagu qaado iyaga.

  • 2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

  • 13Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.

  • 7Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.

  • 4Oo sidaasay uga soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo buurta ku yiil, iyagoo wada sanduuqii Ilaah; oo Axiyoo ayaa sanduuqii hor maray.

  • 4Laakiinse sanduuqii axdiga Ilaah Daa'uud baa ka soo qaaday Qiryad Yecaariim oo wuxuu keenay meeshii Daa'uud u diyaariyey, waayo, isagu Yeruusaalem ayuu teendho uga dhisay.