2 Korintos 5:14
Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
15Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
16¶ Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
17Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
6¶ Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.
7Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.
8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
10kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.
13Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
7Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto.
8Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.
9Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.
10Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah.
10Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.
11Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.
12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.
7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.
8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.
10Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.
11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
22Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa,
16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.
12¶ Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;
15Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba;
16kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan?
11Hadalkanu waa dhab, Haddii aynu isaga la dhimannay, dee haddana waynu la noolaan doonnaa,
19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.
20Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.
5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
21¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.
9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
10Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
11¶ Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
2Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
3Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay,
3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.
5Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
9Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
15Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah.
12Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.
2Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa?
11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.
6Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.
16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.
14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.
19Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
15Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.
17Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.
11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.
31Faanka aan idiin qabo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaan maalin walba dhinto.