Rooma 5:17
Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.
8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.
10Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa,
11oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.
12¶ Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;
13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.
14Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa.
15Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.
16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.
18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.
19Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.
20Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;
21in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
23Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.
24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,
21Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid.
22Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa,
14Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
15Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
10Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed.
1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?
1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;
2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
9Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.
10Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.
11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
12¶ Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.
14Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
15¶ Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!
9Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay.
17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.
21Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.
16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
17Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
6Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha.
7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.
17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.
17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!
5¶ Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada.
2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.
22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.
5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)
14Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.
13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.
7inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.
21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.
4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.