2 Korintos 3:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 12:18-21 : 18 ¶ Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii, 19 iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin. 20 Waayo, uma ay adkaysan karin wixii lagu amray, markii lagu yidhi, Xataa haddii neef buurta taabto, waa la dhagxin doonaa. 21 Muuqashadiina cabsi intay ka qabtay Muuse wuxuu yidhi, Aad iyo aad baan u cabsanayaa oo waan gariirayaa.
  • Room 3:21-22 : 21 ¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.
  • Room 4:11 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,
  • Room 5:15-21 : 15 Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix. 16 Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan. 17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix. 18 Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan. 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa. 20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad; 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 8:3-4 : 3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray, 4 in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.
  • Room 10:3-9 : 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa. 4 Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada. 5 ¶ Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada. 6 Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)? 7 Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)? 8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno. 9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, 10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.
  • 1 Kor 1:30 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
  • 1 Kor 15:41 : 41 Waxaa jirta ammaanta qorraxda iyo ammaanta kaloo dayaxa iyo ammaanta kaloo xiddigaha, waayo, xiddiguba xiddigta kale way ka ammaan duwan tahay.
  • 2 Kor 3:6-7 : 6 kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa. 7 Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa,
  • 2 Kor 3:10-11 : 10 Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed. 11 Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.
  • 2 Kor 5:21 : 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
  • Gal 3:10 : 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.
  • Gal 5:4-5 : 4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen. 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
  • Fil 3:9 : 9 oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,
  • Cib 3:5-6 : 5 Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.
  • 2 But 1:1 : 1 ¶ Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • Bax 19:12-19 : 12 Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa. 13 Gacanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen. 14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen. 15 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina. 16 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen. 17 Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii. 18 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay. 19 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.
  • Bax 20:18-19 : 18 ¶ Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen. 19 Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.
  • Ish 46:13 : 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
  • Yer 23:6 : 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Room 1:17-18 : 17 Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa. 18 ¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 3:6-8
    3 aayado
    86%

    6kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa.

    7Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa,

    8sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan?

  • 86%

    10Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed.

    11Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.

    12¶ Haddaba rajo caynkaas ah oo aannu leennahay aawadeed bayaan ayaannu u hadalnaa.

  • Room 3:5-7
    3 aayado
    73%

    5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

    6Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?

    7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

  • 31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

  • Room 5:17-18
    2 aayado
    69%

    17Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.

    18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.

  • 11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

  • 15Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.

  • 69%

    12Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.

    13Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.

  • 17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 17¶ Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

  • 12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

  • 20Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;

  • 3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

  • 8Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.

  • 17Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.

  • 29si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.

  • 12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.

  • 17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

  • 18¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.

  • 2 Kor 4:6-7
    2 aayado
    67%

    6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

    7¶ Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.

  • 18Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

  • 67%

    20xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay.

    21Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah.

  • 20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,

  • 2Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.

  • Cib 8:6-7
    2 aayado
    67%

    6Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.

    7Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.

  • 2 Kor 4:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno;

    2laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.

  • 2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

  • 3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 31Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.

  • 21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

  • 13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.

  • 19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.