Rooma 5:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 25:11 : 11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
  • Room 6:1 : 1 ¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?
  • Titus 3:3-7 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay. 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix; 7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.
  • Gal 3:19-25 : 19 ¶ Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis. 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya. 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga. 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay. 23 ¶ Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka. 25 ¶ Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno.
  • Room 6:14 : 14 Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
  • Yoox 15:22 : 22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan.
  • Room 4:15 : 15 maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.
  • 2 Taar 33:9-9 : 9 Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil. 10 Markaasaa Rabbigu la hadlay Manaseh iyo dadkiisiiba, laakiinse dheg uma ay dhigin. 11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen. 12 Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis. 13 Oo isagii buuna baryay, oo isna wuu aqbalay oo baryootankiisiina wuu maqlay, oo mar kale ayuu dib ugu soo celiyey Yeruusaalem iyo boqortooyadiisii. Markaasaa Manaseh ogaaday in Rabbigu Ilaah yahay.
  • Room 3:19-20 : 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.
  • Room 7:5-9 : 5 Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho. 6 Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka. 7 ¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin. 8 Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd. 9 Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay. 10 Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo. 11 Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay. 12 Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay. 13 Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
  • 1 Kor 6:9-9 : 9 Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11 Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
  • 2 Kor 3:7-9 : 7 Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa, 8 sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan? 9 Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay.
  • Ish 1:18 : 18 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
  • Ish 43:24-25 : 24 Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii. 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Yer 3:8-9 : 8 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday. 9 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah. 11 Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah. 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 16:52 : 52 Bal adigu ceebow, waayo, walaalahaa waad xukuntay, maxaa yeelay, waxaad samaysay wax karaahiyadoodii ka sii daran, oo iyagu way kaa xaq badan yihiin. Haddaba facsharan, oo ceebow, waayo, waxaad xaq ka dhigtay walaalahaa.
  • Yex 16:60-63 : 60 Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah. 61 Oo markaasaad jidadkaagii soo xusuusan doontaa, oo waad isku ceeboobi doontaa markaad qaabbishid walaalahaa, ta kaa weyn iyo ta kaa yarba, oo inay gabdho kuu noqdaan baan kuu siin doonaa, laakiinse axdigaaga kugu siin maayo. 62 Aniguna axdigaygaan kula adkaysan doonaa, oo adiguna waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, 63 si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yex 36:25-32 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba. 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah. 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan. 28 Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa. 29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono. 30 Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin. 31 Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan. 32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
  • Miik 7:18-19 : 18 Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa. 19 Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.
  • Mat 9:13 : 13 Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
  • Luuk 7:47 : 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.
  • Luuk 23:39-43 : 39 ¶ Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi. 40 Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin? 41 Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin. 42 Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado. 43 Wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.
  • Yoox 10:10 : 10 Tuuggu wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.
  • Ef 1:6-8 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay. 7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna. 8 Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
  • Ef 2:1-5 : 1 ¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna, 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. 3 Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale. 4 Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, 5 oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen.
  • 1 Tim 1:13-16 : 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Room 5:11-19
    9 aayado
    81%

    11oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.

    12¶ Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;

    13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.

    14Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa.

    15Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.

    16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.

    17Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.

    18Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.

    19Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.

  • 1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?

  • Room 6:14-15
    2 aayado
    76%

    14Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.

    15¶ Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!

  • 15maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.

  • 14Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.

  • Room 7:7-11
    5 aayado
    74%

    7¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.

    8Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.

    9Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.

    10Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.

    11Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.

  • Yoox 1:16-17
    2 aayado
    74%

    16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.

    17Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.

  • 13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.

  • Room 3:20-21
    2 aayado
    74%

    20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

    21¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii,

  • 56Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga.

  • 4¶ Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo.

  • 12In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa;

  • 4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

  • Room 8:2-3
    2 aayado
    70%

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

    3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,

  • Room 5:8-9
    2 aayado
    70%

    8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

    9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.

  • 7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

  • 24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

  • 7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

  • 2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.

  • 21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

  • 17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 21Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.

  • 6Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha.

  • 5Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.

  • 11Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,

  • 10Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay.

  • 21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.

  • 68%

    8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,

  • 9Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay.

  • 19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

  • 6Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

  • 21Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.