2 Korintos 5:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 5:9 : 9 Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
  • 2 But 3:11-12 : 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado, 12 idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan.
  • 1 Yoox 3:2 : 2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
  • Muj 7:14-17 : 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.
  • 2 Kor 12:2-3 : 2 Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3 Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan.
  • Fil 1:20-24 : 20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba. 21 ¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay, 24 laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin.
  • Sab 16:11 : 11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
  • Sab 17:15 : 15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
  • Sab 73:23-26 : 23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig. 24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta. 25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay. 26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
  • Mat 25:21 : 21 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
  • Mat 25:23 : 23 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
  • Luuk 2:29 : 29 Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
  • Yoox 14:3 : 3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.
  • Yoox 17:24 : 24 ¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.
  • Fal 21:13 : 13 Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis.
  • 2 Kor 5:6 : 6 Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
  • 2 Tim 4:7-8 : 7 Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray. 8 Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
  • 2 But 1:14-15 : 14 Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey. 15 Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.
  • 1 Tes 4:17-18 : 17 dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. 18 Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.
  • Muj 22:3 : 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 5:1-7
    7 aayado
    90%

    1¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.

    2Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.

    3Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.

    4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.

    5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.

    6Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,

    7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

  • 2 Kor 5:9-13
    5 aayado
    84%

    9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.

    10Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.

    11¶ Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.

    12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.

    13Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.

  • Fil 1:20-25
    6 aayado
    76%

    20sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.

    21¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.

    22Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo.

    23Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay,

    24laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin.

    25Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,

  • 11Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.

  • 5In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.

  • 8Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.

  • 73%

    17dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.

    18Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.

  • 2Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno.

  • 15Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay.

  • 72%

    10Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.

    11Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.

    12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

  • 17¶ Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna;

  • 8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.

  • 1 Tes 3:7-8
    2 aayado
    71%

    7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;

    8maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan.

  • 2 Kor 7:3-4
    2 aayado
    71%

    3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.

    4Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiirranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata.

  • 14Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.

  • 2 Kor 1:8-9
    2 aayado
    71%

    8Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.

    9Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.

  • 3Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay

  • 9Waayo, waannu ku faraxnaa markaannu itaal yar nahay, idinkuna aad itaal weyn tihiin. Wax kalena Ilaah baannu ka baryayna oo waa kaamilnimadiinna.

  • 8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 10kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.

  • 4Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah;

  • 6Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid.

  • 20Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix.

  • 12¶ Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir,

  • 16¶ Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa.

  • 4Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;

  • 37Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.

  • 14Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.