2 Korintos 8:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaannu isaga la dirnay walaalka ammaantiisa xagga injiilku kiniisadaha oo dhan wada gaadhay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 12:18 : 18 Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
  • 1 Kor 7:17 : 17 ¶ Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.
  • 2 Kor 2:12 : 12 ¶ Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay,
  • 2 Kor 8:19 : 19 Sidaas oo keliyana ma aha, laakiin isagu waa kii ay kiniisaduhu ka dhigeen inuu nala socdaalo hadiyaddan aawadeed tan aannu uga adeegno Rabbiga ammaantiisa aawadeed iyo in la arko diyaarnimadayada.
  • 2 Kor 8:22-23 : 22 Waxaannu iyaga la dirnay walaalkeen kan aannu marar badan caddaynay inuu waxyaalo badan ku dadaalo, haddeerna weliba wuu ka sii dadaal badan yahay hubaasha weyn ee uu xaggiinna ku qabo aawadeed. 23 Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix.
  • Room 16:4 : 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    19Sidaas oo keliyana ma aha, laakiin isagu waa kii ay kiniisaduhu ka dhigeen inuu nala socdaalo hadiyaddan aawadeed tan aannu uga adeegno Rabbiga ammaantiisa aawadeed iyo in la arko diyaarnimadayada.

    20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,

  • 81%

    22Waxaannu iyaga la dirnay walaalkeen kan aannu marar badan caddaynay inuu waxyaalo badan ku dadaalo, haddeerna weliba wuu ka sii dadaal badan yahay hubaasha weyn ee uu xaggiinna ku qabo aawadeed.

    23Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix.

    24Sidaa daraaddeed kiniisadaha hortooda iyaga caddaan ugu tusa jacaylkiinna iyo faanka aannu idiin qabno.

  • 17Waayo, wuu aqbalay baryadayadii, laakiin isaga qudhiisu aad buu u doonayaa inuu idiin yimaado, maxaa yeelay, wuu idiin xiisoonayaa.

  • 1¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaannu idin ogeysiinaynaa nimcada Ilaah oo la siiyey kiniisadaha Makedoniya,

  • 2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

  • 1 Tes 1:5-8
    4 aayado
    74%

    5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

    6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.

    7Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.

    8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.

  • 27Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,

  • 3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,

  • 2 Kor 8:4-6
    3 aayado
    72%

    4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

    5oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.

    6Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiinku dhammeeyo nimcadatan.

  • 2oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,

  • 3 Yoox 1:6-8
    3 aayado
    71%

    6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

    7maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn.

    8Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.

  • 18Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?

  • 2 Tes 1:3-4
    2 aayado
    70%

    3¶ Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa.

    4Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.

  • 25sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,

  • Flm 1:7-8
    2 aayado
    70%

    7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.

    8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.

  • 8¶ Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahadnaqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan.

  • 12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

  • 2Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay.

  • 18Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.

  • 14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.

  • 4laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.

  • 8kaas oo weliba noo caddeeyey jacaylkiinna Ruuxa ku jira.

  • 27Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.

  • 5wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.

  • 11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

  • 14Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.

  • 13Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.

  • 8¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna.

  • 3Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.

  • 3Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.

  • 16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.

  • 12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • Kol 4:8-9
    2 aayado
    69%

    8Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,

    9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

  • 4Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan,

  • 40laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.

  • 7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;