2 Boqorradii 10:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoel 1:14 : 14 Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
  • Bax 32:5 : 5 Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.
  • 1 Boq 18:19-20 : 19 Haddaba sidaas daraaddeed u cid dir, oo dadkii Israa'iil oo dhan, iyo Bacal nebiyadiisa ah afarta boqol iyo konton, iyo geedihii Asheeraah nebiyadooda ah afar boqol oo miiska Yesebeel wax ka cuna, kulli ku soo wada ururi Buur Karmel. 20 Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.
  • 1 Boq 21:12 : 12 Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    17Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.

    18¶ Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa.

    19Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.

  • 82%

    21Oo Yeehuuna wuxuu u cid diray dalka Israa'iil oo dhan, markaasaa waxaa yimid intii Bacal caabudi jirtay oo dhan, sidaas daraaddeed nin aan iman ma jirin. Oo waxay soo galeen gurigii Bacal; oo gurigii Bacalna waa buuxsamay gees ilaa gees.

    22Markaasuu wuxuu ku yidhi kii meeshii dharka u sarreeyey, Inta Bacal caabudda oo dhan dhar u keen. Kolkaasuu dhar u keenay.

    23Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, Yeehuuna wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadha oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga waxba idinkala joogin, laakiinse aad tihiin kuwa Bacal caabuda oo keliya.

    24Markaasay gudaha u galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan. Haddaba Yeehuu wuxuu mar hore soo doortay siddeetan nin inay dibadda joogaan, oo wuxuu ku yidhi, Nimanka aan gacantiinna soo geliyo hadduu midna baxsado, kii sii daaya ayaa naftiisa loo qisaasayaa.

    25Oo haddiiba markuu dhammeeyey allabarigii gubnaa oo uu bixinayay ayaa Yeehuu ku yidhi askartii iyo saraakiishii, Gala oo wada laaya, oo yaan midna ka soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii ordi jirtay iyo saraakiishii ayaa iyagii dibadda u soo tuuray oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal.

    26Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.

    27Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.

    28Oo Yeehuu sidaasuu Bacal uga baabbi'iyey dalka Israa'iil.

    29Habase yeeshee dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad kii dadka Israa'iil dembaajiyey Yeehuu kama hadhin, kuwaasoo ahaa weylihii dahabka ahaa ee dhex yiil Beytel iyo Daan.

  • 75%

    23Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo.

    24Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.

    25Markaasaa Eliiyaah wuxuu nebiyadii Bacal ku yidhi, Bal idinku dibi doorta oo marka hore qala, dabse hoosta ha ka gelinina, oo idinku waad badan tihiine marka hore u yeedha magaca ilaahiinna.

    26Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen.

  • 73%

    19Haddaba sidaas daraaddeed u cid dir, oo dadkii Israa'iil oo dhan, iyo Bacal nebiyadiisa ah afarta boqol iyo konton, iyo geedihii Asheeraah nebiyadooda ah afar boqol oo miiska Yesebeel wax ka cuna, kulli ku soo wada ururi Buur Karmel.

    20Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.

    21Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin.

  • 71%

    12Oo iyana waxay yidhaahdeen, Taasu waa been; ee bal hadda noo sheeg. Markaasuu yidhi, Saas iyo saas buu igula hadlay, oo igu yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil.

    13Markaasay dhaqsadeen oo nin waliba wuxuu qaatay dharkiisii, oo hoostiisay dhigeen jaranjarada dusheeda, buun bayna ku dhufteen, oo waxay yidhaahdeen, Yeehuu waa boqor.

  • 32Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.

  • Xaak 6:30-32
    3 aayado
    70%

    30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.

    31Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.

    32Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.

  • 17Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.

  • 69%

    39Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.

    40Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi iyagii, Nebiyada Bacal qabta oo midna yuusan ka baxsan. Oo iyana way soo qabteen; markaasaa Eliiyaah wuxuu iyagii keenay durdurka Qiishoon agtiisa, oo halkaasuu iyagii ku laayay.

  • 7Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim.

  • 12Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

  • 18Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.

  • 1¶ Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,

  • 14Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.

  • 3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

  • 2Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.

  • 11Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.

  • 2 Boq 10:5-6
    2 aayado
    68%

    5Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee.

    6Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey.

  • 12Oo Simrii saasuu u baabbi'iyey reerkii Bacshaa oo dhan, oo waxay noqotay sidii Eraygii Rabbiga ee Bacshaa ka geesta ahaa ee Nebi Yeehuu ku hadlay,

  • 16Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.

  • 15¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa.

  • 9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

  • 4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

  • 25¶ Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;

  • 31Laakiinse Yeehuu iskama uu jirin oo kuma socon sharcigii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kumana raacin qalbigiisa oo dhan, oo kama tegin dembiyadii Yaaraabcaam uu dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 13Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.

  • 1¶ Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi,

  • 53Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

  • 21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.

  • 13ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.