2 Boqorradii 13:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 17:11 : 11 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq.
  • 2 Boq 4:6 : 6 Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.
  • Ish 20:2-4 : 2 ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad. 3 Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado 4 ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.
  • Yex 4:1-9 : 1 ¶ Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem, 2 oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji. 3 Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil. 4 ¶ Oo weliba dhinacaaga bidix u jiifso, oo waxaad kor saartaa xumaantii dadka dalka Israa'iil. Maalmaha aad ku jiifto inta tiradoodu tahay oo kale ayaad xumaantooda sidi doontaa. 5 Waayo, waxaan ku dul saaray sannadihii xumaantooda, inta maalmaha tiradoodu tahay saddex boqol iyo sagaashan maalmood, oo sidaasaad xumaanta dadka dalka Israa'iil u sidi doontaa. 6 Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay. 7 Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa. 8 Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga. 9 Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa. 10 Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.
  • Yex 5:1-4 : 1 ¶ Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi. 2 Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa. 3 Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud. 4 Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
  • Yex 12:1-7 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay. 3 Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin. 4 Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya. 5 Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi. 6 Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay. 7 Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.

  • 82%

    15Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay.

    16Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka.

    17Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso.

  • 33Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadaan. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.

  • 74%

    20Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.

    21Oo bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye.

    22Laakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray.

  • 73%

    21Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Eliishaa ku yidhi markuu nimankii arkay, Aabbahayow, miyaan laayaa? Miyaan laayaa?

    22Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maya, waa inaadan layn. Ma layn lahayd kuwaad ku soo qabsatay seeftaada iyo qaansadaada? Waxaad soo hor dhigtaa kibis iyo biyo ay cunaan oo ay cabbaan, oo dabadeedna ha u tageen sayidkoodii.

  • 34Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadeen. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi, oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.

  • 18Oo iyana markay isagii u soo dhaadhaceen ayaa Eliishaa Rabbiga baryay oo yidhi, Rabbiyow, waxaan kaa baryayaa inaad dadkan indhabbeel ku riddid. Oo isna indhabbeel ayuu ugu riday sidii eraygii Eliishaa u ahaa.

  • 3Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.

  • 24Markaasaa Yeehuu qaansadiisii ku xooday xooggiisii oo dhan, oo Yooraam ku dhuftay labada garab dhexdooda, oo fallaadhiina waxay ka mudhbaxday wadnaha, markaasuu ku dhex dhacay gaadhifaraskiisii.

  • 2 Boq 6:7-8
    2 aayado
    69%

    7Wuxuuna yidhi, War haddaba soo qaado. Sidaas daraaddeed gacantii buu fidiyey oo soo qaatay.

    8¶ Haddaba boqorkii Suuriya wuxuu la diriray dadkii Israa'iil, oo intuu addoommadiisii la tashaday ayuu ku yidhi, Meesha saa iyo saa ah ayaa xeradaydu ahaan doonta.

  • 37Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.

  • 68%

    13Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.

    14Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.

  • 68%

    36Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.

    37Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?

    38Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.

  • 34Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar labaad yeela, iyana way yeeleen mar labaad. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar saddexaad yeela, oo iyana way yeeleen mar saddexaad.

  • 35¶ Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.

  • 25Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.

  • 3Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.

  • 67%

    12Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Isaga Eraygii Rabbigaa la jira. Kolkaasay boqorkii dalka Israa'iil, iyo Yehooshaafaad, iyo boqorkii Edomba isagii u tageen.

    13Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 21Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.

  • 31Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo.

  • 28Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.

  • Bar 3:12-13
    2 aayado
    66%

    12Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

    13Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

  • 3Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.

  • 11Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.

  • 40Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi iyagii, Nebiyada Bacal qabta oo midna yuusan ka baxsan. Oo iyana way soo qabteen; markaasaa Eliiyaah wuxuu iyagii keenay durdurka Qiishoon agtiisa, oo halkaasuu iyagii ku laayay.

  • 15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.

  • 43Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

  • 6Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.

  • 15Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.

  • 13Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.

  • 14Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daayaa? Oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo ku soo guulaysta, oo iyagana gacantiinnaa la soo gelin doonaa.

  • 43Markaasuu midiidinkiisii ku yidhi, Bal tag oo badda xaggeeda fiiri. Kolkaasuu tegey oo wax fiiriyey, oo wuxuu yidhi, Waxba lama arko. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Ku noqo toddoba jeer.

  • 8Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.

  • 15Markaasuu fallaadho soo ganay, oo kala firdhiyey iyagii, Oo wuxuu soo diray hillaac, wuuna baabbi'iyey iyagii.

  • 6Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

  • 15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.

  • 10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?