2 Boqorradii 16:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 22:6 : 6 Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday.
  • Aam 9:7 : 7 Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?
  • Aam 1:3-5 : 3 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay reer Gilecaad kula tunteen alaab bir ah oo hadhuudh lagula tunto. 4 Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad. 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.
  • 2 Taar 28:5 : 5 Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.
  • 2 Taar 28:21 : 21 Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.
  • Ish 7:16 : 16 Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.
  • Ish 9:11 : 11 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Boq 16:5-8
    4 aayado
    83%

    5Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

    6Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.

    7Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

    8Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.

  • 81%

    10Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan.

    11Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.

    12Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey.

  • 16¶ Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.

  • 1¶ Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

  • 29Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.

  • 78%

    19Rabbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay.

    20Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii.

    21Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.

    22Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.

    23Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.

  • 77%

    16Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.

    17Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.

    18Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.

    19Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    20Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

  • 37Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.

  • 5Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.

  • 11Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,

  • 11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 1¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

  • 18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,

  • 11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 13¶ Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

  • 9¶ Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?

  • 13Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?

  • 5Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey.

  • 73%

    15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.

    16Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.

  • 9¶ Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.

  • 24¶ Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen.

  • Ish 7:4-5
    2 aayado
    73%

    4oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona.

    5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

  • 6Dadkanu way diideen biyaha Shilo'ax oo qunyar socda, oo waxay ku reyreeyaan Resiin iyo ina Remalyaah,

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,

  • 17Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii iyo dalalkoodii,

  • 18Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

  • 4Waayo, intaan yarku baran inuu yidhaahdo, Aabbe iyo Hooyo ka hor ayaa boqorka Ashuur maalka Dimishaq iyo xoolaha boolida ah oo Samaariyaba wada qaadan doonaa.

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.

  • 17Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem.

  • 21Markaasaa Rabbigu malag soo diray, kaasoo xeradii boqorkii Ashuur ku wada laayay raggii xoogga badnaa, iyo hoggaamiyayaashii, iyo saraakiishii oo dhanba. Sidaas daraaddeed isagoo ceebaysan ayuu dalkiisii ku noqday. Oo markuu gurigii ilaahiisa galay waxaa halkaas seef kaga dilay wiilashii uu dhalay.

  • 3Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro.

  • 37Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.

  • 1¶ Oo waxyaalahaas iyo aaminnimadaas dabadood waxaa yimid oo dalka Yahuudah soo galay Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur; magaalooyinkii deyrka lahaana ayuu weeraray, wuuna ku talo jiray inuu iyaga qaato.