3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.
4Oo wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda.
5Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.
6Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.