2 Taariikhdii 34:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 31:1 : 1 ¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.
  • Sharc 9:21 : 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega.
  • 2 Taar 34:1 : 1 ¶ Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    3Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.

    4Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.

    5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

    6Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.

  • 1¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

  • 83%

    15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

    16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 83%

    12Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.

    13Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

    14Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.

    15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.

    16Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.

  • 3maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray,

  • 2 Boq 23:6-8
    3 aayado
    79%

    6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

    7Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah.

    8Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.

  • 4Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.

  • 5Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.

  • 8¶ Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.

  • 13laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,

  • 75%

    19Oo guryihii meelaha sarsare oo dhan ee ku yiil magaalooyinka Samaariya ee ay boqorradii dalka Israa'iil u dhiseen inay Rabbiga kaga xanaajiyaan ayuu Yoosiyaah wada dumiyey, oo wuxuu ku sameeyey falimihii uu Beytel ku sameeyey oo kale.

    20Oo wadaaddadii meelaha sarsare oo halkaas joogay oo dhanna wuxuu ku wada laayay meelihii allabariga dushooda, dushoodiina wuxuu ku gubay lafo dad, dabadeedna Yeruusaalem buu ku noqday.

  • 6Oo qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah.

  • 5Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.

  • 4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

  • 3Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka baabbi'isaan.

  • 7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

  • 24Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem.

  • 18Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.

  • 17Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.

  • 2 Boq 21:3-4
    2 aayado
    72%

    3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

    4Oo wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda.

  • 8Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga.

  • 7Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

  • 7Oo sanamkii xardhanaa ee geedihii Asheeraah ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Rabbigu ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

  • 13Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.

  • 12War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

  • 26Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.

  • 71%

    3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

    4Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem.

  • 24Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga.

  • 30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.

  • 33Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 31Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.

  • 14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.

  • 13Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.

  • 2Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.

  • 4Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.