2 Boqorradii 23:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yehooyaaqiim lacagtii iyo dahabkii Fircoon siiyey; laakiinse wuxuu cashuuray dalka inuu lacagtii u bixiyo sidii Fircoon ugu amray; oo lacagtii iyo dahabkii wuxuu ka soo guray dadkii dalka degganaa, intii mid kastaba cashuurtiisu ahayd, si uu Fircoon Nekoo u siiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 23:33 : 33 Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.
  • 2 Boq 15:19-20 : 19 Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato. 20 Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    32Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

    33Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.

    34Markaasaa Fircoon Nekoo ayaa Eliyaaqiim ina Yoosiyaah boqor uga dhigay meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim, laakiinse isagu Yehoo'aaxaas buu kaxeeyey, oo markuu Masar keenay ayuu halkaas ku dhintay.

  • 77%

    1¶ Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.

    2¶ Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa.

    3Markaasaa boqorkii Masar Yeruusaalem kaga dejiyey carshigiisii, oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.

    4Kolkaasaa boqorkii Masar wuxuu dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalemba boqor uga dhigay walaalkiis Elyaaqiim, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim. Oo walaalkiis Yoo'aaxaasna Nekoo wuxuu u kaxaystay dalkii Masar.

    5¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

    6Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.

    7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

    8Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.

  • 74%

    36¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Sebuudaah ina Fedaayaah, oo reer Ruumaah ahayd.

    37Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.

  • 22Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.

  • 1¶ Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.

  • 2 Boq 24:5-7
    3 aayado
    72%

    5Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    6Markaasaa Yehooyaaqiim dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.

    7Oo boqorkii Masarna mar dambe dalkiisii kama uu soo bixin, waayo, boqorkii Baabuloon baa wada qaatay ilaa durdurkii Masar iyo tan iyo Webi Yufraad ee uu dhammaan boqorka Masar lahaa.

  • 2Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.

  • 20¶ Oo waxyaalahaas oo dhan dabadood markuu Yoosiyaah macbudkii diyaariyey ayaa boqorkii Masar oo Nekoo la odhan jiray u soo baxay inuu la diriro Karkemiish oo u dhowayd Webi Yufraad, oo Yoosiyaahna isagii buu ku soo baxay.

  • 70%

    12Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.

    13Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.

  • 70%

    14Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.

    15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.

    16Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.

  • Daan 1:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

    2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

  • 20Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin.

  • 69%

    29Oo isaga wakhtigiisii ayaa Fircoon Nekoo oo boqorka Masar ahaa ku kacay boqorkii Ashuur ilaa Webi Yufraad, oo waxaa isagii ku soo baxay Boqor Yoosiyaah, markaasaa Fircoon Nekoo isagii ku dilay Megiddoo agteeda markuu arkay.

    30Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.

  • 6Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed?

  • 11Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa dadka Yahuudah oo dhan, waxayna ahayd Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii afraad, taasoo ahayd sannaddii kowaad oo Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • 9Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

  • 20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

  • 1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,

  • 19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

  • 1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

  • 22Oo dadkii dalka Yahuudah lagaga tegey oo Nebukadnesar oo boqorkii Baabuloon ahaa uu uga tegey, kuwaas wuxuu taliye uga dhigay Gedalyaah ina Axiiqaam oo ahaa ina Shaafaan.

  • 19Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.

  • 4Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.

  • 24Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

  • 21Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.

  • 18Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.

  • 3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.

  • 29Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?