2 Boqorradii 3:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse markii Axaab dhintay ayaa boqorkii Moo'aab ku caasiyoobay boqorkii dalka Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 1:1 : 1 ¶ Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.
  • 2 Boq 8:20 : 20 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.
  • 2 Taar 21:8-9 : 8 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya. 9 Markaasaa Yehooraam soo gudbay isagoo wata saraakiishiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishiisii gaadhifardoodka. 10 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.

  • 4¶ Haddaba boqorkii reer Moo'aab oo Meeshaac ahaa ido buu lahaa, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil baad u siin jiray boqol kun oo baraar ah, iyo boqol kun oo wan dhogortood.

  • 20¶ Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.

  • 10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 2 Boq 3:6-7
    2 aayado
    73%

    6Oo markaasaa Boqor Yehooraam ka baxay Samaariya, oo wuxuu soo safay dadkii Israa'iil oo dhan.

    7Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

  • 73%

    23Markaasay yidhaahdeen, War waxanu waa dhiig, hubaal boqorradii waa islaayeen oo nin waluba saaxiibkiis buu dilay; haddaba, reer Moo'aabow, xagga dhaca u kaca.

    24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

  • 72%

    28Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

    29¶ Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

    30Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

  • 30Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.

  • 72%

    26Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.

    27Markaasuu kaxaystay wiilkiisii curadka ahaa oo meeshiisa boqor ka noqon lahaa, oo derbiga korkiisa ayuu sida allabari la gubo ugu bixiyey. Oo dadka Israa'iilna cadho weyn baa loo qabay, oo iyana way ka tageen isagii, oo waxay ku noqdeen dalkoodii.

  • 72%

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

    16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

  • 21Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.

  • 71%

    40Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

    41¶ Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.

  • 2Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.

  • 1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

  • 13Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 3Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

  • 37Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.

  • 1¶ Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.

  • 51¶ Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

  • 69%

    2Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.

    3Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.

  • 1¶ Haddaba Yehooraam ina Axaab ayaa dadka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, taasuna waxay ahayd sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuuna boqor ahaa laba iyo toban sannadood.

  • 5Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

  • 69%

    15Oo maalintii ku xigtay ayuu maro qaaday oo biyo dhex geliyey, markaasuu wejiga boqorka ku deday wuuna dhintay; oo meeshiisiina Xasaa'eel ayaa boqor ka noqday.

    16¶ Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.

  • 17Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.

  • 42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.

  • 13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 3Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.

  • 43Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

  • 1¶ Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii.

  • 24Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad.

  • 22¶ Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.

  • 28¶ Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

  • 29¶ Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.

  • 4¶ Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.