2 Boqorradii 13:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 2:14 : 14 Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.
  • 1 Boq 19:17 : 17 Oo markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa.
  • 2 Boq 13:24-25 : 24 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad. 25 Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.
  • 2 Boq 12:17 : 17 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem.
  • 2 Boq 13:22 : 22 ¶ Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.
  • 2 Boq 8:12-13 : 12 Markaasaa Xasaa'eel ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad u ooyaysaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maxaa yeelay, waxaan ogahay xumaanta aad dadka Israa'iil ku samayn doonto; waayo, qalcadahooda dab baad ku dhejin doontaa, oo raggooda dhallinyarada ahna seef baad ku wada layn doontaa, oo dhallaankoodana dhulkaad ku tuuri doontaa, oo naagahooda uurka lehna waad dooxi doontaa. 13 Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.
  • Xaak 3:8 : 8 Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.
  • Xaak 10:7-9 : 7 Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon. 8 Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa. 9 Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn. 10 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay. 11 Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin? 12 Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii. 13 Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono. 14 Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.
  • Laaw 26:17 : 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.
  • Sharc 4:24-27 : 24 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo waa Ilaah masayr ah. 25 ¶ Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan, 26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.
  • Sharc 28:25 : 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.
  • Ish 10:5-6 : 5 ¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro. 6 Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
  • Cib 12:29 : 29 waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    22¶ Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.

    23Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin.

    24Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad.

    25Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.

  • Xaak 2:14-15
    2 aayado
    77%

    14Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.

    15Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.

  • 32¶ Oo waagaas ayaa Rabbigu bilaabay inuu dalka Israa'iil yareeyo, oo Xasaa'eel ayaa iyaga ku laayay dalka Israa'iil oo dhan,

  • 2 Boq 13:4-5
    2 aayado
    76%

    4Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay.

    5(Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.

  • Aam 1:3-4
    2 aayado
    76%

    3¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay reer Gilecaad kula tunteen alaab bir ah oo hadhuudh lagula tunto.

    4Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad.

  • 20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

  • 7Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.

  • 8Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.

  • 12wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 13Markaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil u cadhooday, oo wuxuu iyagii ka dhigay inay intii afartan sannadood ah cidlada hor iyo dib ugu warwareegaan, ilamaa qarnigii Rabbiga hortiisa xumaanta ku sameeyey oo dhan la wada baabbi'iyey.

  • 73%

    17Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem.

    18Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.

  • 15Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.

  • 2 Boq 13:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.

    2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.

  • 73%

    23Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa.

    24Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 5Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.

  • 25Oo wakhtigii Sulaymaan noolaa oo dhan cadow buu u ahaa reer binu Israa'iil, oo waxaa kaloo wehliyey belaayadii Hadad ku sameeyey; oo intuu reer binu Israa'iil u karaahsaday ayuu Suuriya boqor u noqday.

  • 72%

    12Markaasaa Xasaa'eel ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad u ooyaysaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maxaa yeelay, waxaan ogahay xumaanta aad dadka Israa'iil ku samayn doonto; waayo, qalcadahooda dab baad ku dhejin doontaa, oo raggooda dhallinyarada ahna seef baad ku wada layn doontaa, oo dhallaankoodana dhulkaad ku tuuri doontaa, oo naagahooda uurka lehna waad dooxi doontaa.

    13Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.

  • 3Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.

  • 2Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,

  • 13sababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

  • 23ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.

  • 13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 11Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.

  • 27Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.

  • 20Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray.

  • 19Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

  • 10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 24¶ Oo taas dabadeed Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo wada urursaday ciidankiisii oo dhan, oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey.

  • 3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 19Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 27Markaasuu kaxaystay wiilkiisii curadka ahaa oo meeshiisa boqor ka noqon lahaa, oo derbiga korkiisa ayuu sida allabari la gubo ugu bixiyey. Oo dadka Israa'iilna cadho weyn baa loo qabay, oo iyana way ka tageen isagii, oo waxay ku noqdeen dalkoodii.

  • 2Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.

  • 5Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey.

  • 9Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.

  • 23Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.

  • 27Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.