Xaakinnadii 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 11:1 : 1 ¶ Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,
  • Xaak 4:13 : 13 Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
  • Xaak 4:16 : 16 Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
  • 1 Sam 12:9 : 9 Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.
  • Sab 83:9 : 9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
  • Ish 50:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.
  • Mat 18:25 : 25 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.
  • Yash 11:10-11 : 10 ¶ Oo markaasaa Yashuuca dib u noqday, oo wuxuu qabsaday Xaasoor, oo boqorkeediina wuxuu ku dilay seef; waayo, markaas ka hor Xaasoor madax bay u ahaan jirtay boqortooyooyinkaas oo dhan. 11 Oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, wayna wada baabbi'iyeen; oo wax neefsadaa kuma hadhin, Xaasoorna dab buu ku gubay.
  • Yash 19:36 : 36 iyo Adaamaah, iyo Raamaah, iyo Xaasoor,
  • Xaak 2:14-15 : 14 Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda. 15 Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.
  • Xaak 10:7 : 7 Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    9Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.

    10Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.

  • Xaak 4:12-18
    7 aayado
    79%

    12Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.

    13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.

    14Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.

    15Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.

    16Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.

    17¶ Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.

    18Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.

  • Xaak 4:23-24
    2 aayado
    78%

    23Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

    24Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.

  • Xaak 4:6-7
    2 aayado
    77%

    6Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?

    7Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.

  • 8Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.

  • Xaak 2:14-15
    2 aayado
    74%

    14Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.

    15Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.

  • Yash 11:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

  • 9Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,

  • Xaak 10:6-7
    2 aayado
    71%

    6¶ Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.

    7Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.

  • Xaak 6:1-4
    4 aayado
    71%

    1¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu intii toddoba sannadood ah gacanta u geliyey reer Midyaan.

    2Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh.

    3Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;

    4oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.

  • 10Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.

  • 3Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.

  • 9Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

  • 20Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.

  • 33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • 32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

  • 8oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;

  • 26Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.

  • 14Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

  • 1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

  • 10¶ Oo markaasaa Yashuuca dib u noqday, oo wuxuu qabsaday Xaasoor, oo boqorkeediina wuxuu ku dilay seef; waayo, markaas ka hor Xaasoor madax bay u ahaan jirtay boqortooyooyinkaas oo dhan.

  • 21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

  • 4Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan.

  • 5(Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.

  • 6Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.