Xaakinnadii 4:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 19:12 : 12 oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,
  • Yash 19:34 : 34 Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.
  • Xaak 4:6 : 6 Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
  • Sab 89:12 : 12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray, Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
  • Yer 46:18 : 18 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 4:13-18
    6 aayado
    85%

    13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.

    14Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.

    15Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.

    16Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.

    17¶ Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.

    18Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.

  • Xaak 4:2-11
    10 aayado
    83%

    2Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.

    3Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.

    4¶ Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.

    5Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.

    6Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?

    7Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.

    8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.

    9Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.

    10Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.

    11Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.

  • 1¶ Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,

  • 12Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.

  • Xaak 4:20-24
    5 aayado
    73%

    20Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.

    21Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.

    22Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.

    23Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

    24Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.

  • 15Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.

  • 1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

  • 12oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,

  • Yash 11:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

  • 53iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,

  • Xaak 5:6-7
    2 aayado
    68%

    6Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.

    7Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.

  • 55iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,

  • 45iyo Yehud, iyo Bini Beraaq, iyo Gad Rimmoon,

  • 15Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.

  • 12Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.

  • 24Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.

  • 33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

  • 7Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.

  • 20Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.

  • 14Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.

  • 35Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii.

  • 28Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?

  • 5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;

  • 11Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).

  • 14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.