Xaakinnadii 4:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 2:14 : 14 Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.
  • Xaak 4:17-22 : 17 ¶ Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn. 18 Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday. 19 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii. 20 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya. 21 Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay. 22 Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
  • Xaak 5:24-27 : 24 Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan. 25 Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay. 26 Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa. 27 Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
  • Xaak 9:54 : 54 Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay.
  • 1 Sam 2:30 : 30 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.
  • 2 Sam 20:21-22 : 21 Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa. 22 Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
  • 2 Taar 26:18 : 18 Markaasay Boqor Cusiyaah hor istaageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Cusiyaahow, adigu ma lihid inaad Rabbiga foox u shiddid, laakiinse waxaa leh wadaaddada reer Haaruun oo quduus looga dhigay inay foox shidaan; haddaba meesha quduuska ah ka bax, waayo, waad xadgudubtay, oo tanuna kuuma ahaan doonto sharaf Rabbiga Ilaaha ah xaggiisa kaaga timaada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 4:4-8
    5 aayado
    90%

    4¶ Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.

    5Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.

    6Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?

    7Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.

    8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.

  • 10Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.

  • Xaak 4:12-23
    12 aayado
    84%

    12Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.

    13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.

    14Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.

    15Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.

    16Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.

    17¶ Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.

    18Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.

    19Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.

    20Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.

    21Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.

    22Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.

    23Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

  • Xaak 5:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,

    2Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.

  • 12Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.

  • 15Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.

  • Xaak 5:6-7
    2 aayado
    70%

    6Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.

    7Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.

  • 2Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.

  • 58Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa.

  • 18Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

  • 68%

    23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

    24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

  • Xaak 5:24-26
    3 aayado
    67%

    24Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.

    25Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

    26Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.

  • 39Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

  • 32Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.

  • Xaak 7:10-11
    2 aayado
    67%

    10Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

    11oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.

  • 61Rebeqahna way kacday, iyada iyo gabdhaheediiba, oo waxay fuuleen awrtii, ninkiina way raaceen: addoonkiina wuu kaxeeyey Rebeqah, wuuna tegey.

  • 3Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.

  • 28Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.

  • 10Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga.

  • 17Haddaba anoo addoontaada ah waxaan idhi, Boqorka sayidkayga ah hadalkiisu ha ahaado mid i nasiya, waayo, boqorka sayidkayga ahu sida malaa'igta Ilaah ayuu u kala gartaa xumaanta iyo samaanta. Rabbiga Ilaahaaga ahuna ha kula jiro.

  • 8Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

  • 38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.

  • 12Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

  • 28Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?

  • 8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.