Tirintii 10:32
Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
31Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.
14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.
15Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.
16Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?
29¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.
33¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.
28Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,
29inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.
9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.
10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.
9Muusena wuxuu yidhi, Annagu waannu tegaynaa yar iyo weynba, oo waxaannu la tegaynaa wiilashayada iyo gabdhahayaga, iyo adhyahayaga, iyo lo'dayada oo dhan; waayo, waxaannu u iidaynaa Rabbigayaga.
10Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.
27Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.
26Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.
16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.
17Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.
8Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.
9Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.
10Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.
6Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.
9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.
12Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.
20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.
16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,
3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.
15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.
57Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin;
17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.
18Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.
31Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.
32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.
8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.
20Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,
12Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.
12Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;
3Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.
25Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.
14Markaasaa nimankii waxay naagtii ku yidhaahdeen, Naftayadu waxay u bixi doontaa tiinna, haddaydnan sheegin xaalkayaga, oo markii Rabbigu dalka na siiyo roonaan iyo daacadnimo ayaannu kugula macaamiloon doonnaa.
17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.
5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.
17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.
10Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga.
8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
3Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.
19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.
27Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa.
33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
14Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.
15Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.