Tirintii 10:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 29:15 : 15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray, Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
  • Sab 32:8 : 8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
  • 1 Kor 12:14-21 : 14 ¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan. 15 Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 16 Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn. 17 Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana? 18 Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey. 19 Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii? 20 Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha. 21 ¶ Ishu gacanta kuma odhan karto, Kuuma baahni; madaxuna cagaha kuma odhan karo, Idiinma baahni.
  • Gal 6:2 : 2 Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 32Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.

  • Tir 10:29-30
    2 aayado
    78%

    29¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.

    30Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii.

  • Bax 33:13-16
    4 aayado
    78%

    13Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga.

    14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.

    15Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.

    16Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?

  • 12Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

  • 17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

  • 57Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin;

  • 15Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.

  • 10Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.

  • Xaak 6:17-18
    2 aayado
    74%

    17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.

    18Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.

  • 26Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.

  • 33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

  • 3oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.

  • Bil 33:14-15
    2 aayado
    73%

    14Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow.

    15Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.

  • 9Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.

  • 8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.

  • 14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.

  • 15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.

  • 10Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,

  • 16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,

  • 31iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

  • 27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

  • 9Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.

  • Bil 26:28-29
    2 aayado
    72%

    28Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,

    29inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 22Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.

  • 12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 5Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.

  • 5Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono.

  • 9Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.

  • 3Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.

  • 3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

  • 9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

  • 19de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.

  • 5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

  • 22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 27Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.

  • 27Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.