Nexemyaah 9:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 9:12 : 12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.
  • Nex 9:27 : 27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.
  • Sab 106:45 : 45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
  • Ish 4:5-6 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
  • Ish 44:21 : 21 Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.
  • Bar 3:22 : 22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
  • Yex 20:14 : 14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
  • Yex 20:22 : 22 Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
  • Daan 9:9 : 9 Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;
  • Daan 9:18 : 18 Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.
  • Mal 3:6 : 6 ¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.
  • 1 Kor 10:1-2 : 1 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, 2 iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba,
  • Nex 9:31 : 31 Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.
  • Sab 106:7-8 : 7 Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas. 8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
  • Bax 13:21-22 : 21 Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba. 22 Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.
  • Bax 40:38 : 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.
  • Tir 9:15-22 : 15 ¶ Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii. 16 Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg. 17 Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen. 18 Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen. 19 Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin. 20 Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa. 21 Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen. 22 Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.
  • Tir 14:14 : 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.
  • 1 Sam 12:22 : 22 Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 9:11-12
    2 aayado
    87%

    11Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay.

    12Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.

  • Nex 9:20-21
    2 aayado
    82%

    20Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.

    21Haah, afartan sannadood ayaad iyaga cidlada ku xannaanaynaysay, oo waxba uma ayan baahan, dharkoodiina kama uusan duugoobin, cagahoodiina ma ayan bararin.

  • Bax 13:21-22
    2 aayado
    81%

    21Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.

    22Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

  • Nex 9:15-18
    4 aayado
    79%

    15Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.

    16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

    17wayna diideen inay addeecaan, kamana ay fiirsan yaababkaagii aad dhexdooda ku samaysay, laakiinse luquntay adkeeyeen, oo iyagoo caasi ah ayay sirkaal doorteen inay addoonnimadoodii ku noqdaan; laakiinse adigu waxaad tahay Ilaah diyaar u ah inuu wax cafiyo, waxaanad tahay nimco miidhan, oo waxaa kaa buuxda raxmad, cadho waad u gaabisaa, naxariisna hodan baad ka tahay, oo iyagiina ma aadan dayrin.

    18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 79%

    31iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

    32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

    33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

  • 14Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.

  • Nex 9:30-31
    2 aayado
    77%

    30Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.

    31Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.

  • Tir 9:15-22
    8 aayado
    76%

    15¶ Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.

    16Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.

    17Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.

    18Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.

    19Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.

    20Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.

    21Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.

    22Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.

  • 14Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.

  • Bax 14:19-20
    2 aayado
    75%

    19Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

    20oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.

  • Bax 40:36-38
    3 aayado
    74%

    36Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

    37laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

    38Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

  • Nex 9:27-28
    2 aayado
    74%

    27Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.

    28Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay;

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • 39Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.

  • 13Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.

  • 34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

  • 17Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn.

  • 7¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

  • 15Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.

  • 19Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.

  • 17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

  • 31Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.

  • 5Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina cagihiinna kuma dhammaanin.

  • 2Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.

  • 22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

  • Sab 99:7-8
    2 aayado
    70%

    7Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.

    8Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.

  • 38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.