Baxniintii 13:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 9:15-23 : 15 ¶ Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii. 16 Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg. 17 Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen. 18 Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen. 19 Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin. 20 Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa. 21 Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen. 22 Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen. 23 Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.
  • Sab 78:14 : 14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
  • Sab 99:7 : 7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
  • Sab 105:39 : 39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
  • Sharc 1:33 : 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
  • Nex 9:12 : 12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.
  • Nex 9:19 : 19 de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.
  • Tir 14:14 : 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.
  • 1 Kor 10:1-2 : 1 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, 2 iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba,
  • Tir 10:34 : 34 Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.
  • Bax 14:19-24 : 19 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii; 20 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale. 21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een. 22 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 23 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan. 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.
  • Bax 33:9-9 : 9 Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay. 10 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.
  • Bax 40:34-38 : 34 ¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay. 35 Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday. 36 Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan, 37 laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado. 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.
  • Ish 4:5-6 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.

  • 22Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

  • Sab 78:13-14
    2 aayado
    85%

    13Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.

    14Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.

  • 33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

  • Bax 40:36-38
    3 aayado
    83%

    36Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

    37laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

    38Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

  • Tir 9:15-23
    9 aayado
    81%

    15¶ Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.

    16Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.

    17Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.

    18Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.

    19Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.

    20Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.

    21Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.

    22Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.

    23Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.

  • 19de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.

  • Tir 14:13-14
    2 aayado
    81%

    13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

    14Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.

  • Bax 14:19-22
    4 aayado
    81%

    19Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

    20oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.

    21Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

    22Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

  • Tir 10:33-34
    2 aayado
    80%

    33¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.

    34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

  • 39Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.

  • Bax 14:24-25
    2 aayado
    76%

    24Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.

    25Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

  • Bax 13:17-18
    2 aayado
    75%

    17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

    18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

  • 15Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.

  • 13Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.

  • Tir 10:12-13
    2 aayado
    73%

    12Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.

    13Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.

  • 30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

  • Bax 24:16-17
    2 aayado
    71%

    16Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

    17Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.

  • Bax 33:9-10
    2 aayado
    71%

    9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

    10Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.

  • 2Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 7Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan, Si ay u tagaan magaalo ay degaan.

  • 7Oo markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.

  • 13Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?

  • 2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

  • 52Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.