Bilowgii 24:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 2:17-20 : 17 Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay. 18 Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan. 19 Oo waxay ahaan doontaa, in ku alla kii ka baxa albaabbada gurigaaga oo jidka maraba, uu dhiiggiisu ahaan doono dushiisa, oo annana aannan eed ku yeelanaynin, iyo in ku alla kii guriga kugula jira haddii far la saaro, uu dhiiggiisu dushayada ahaan doono. 20 Laakiinse haddaad xaalkayaga sheegto, de markaas eed kuma yeelan doonno dhaartaadii aad nagu dhaarisay.
  • Tir 30:5 : 5 Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.
  • Tir 30:8 : 8 Laakiinse haddii ninkeedu u diido maalintii uu maqlo, markaasuu burin doonaa nidarkii saarnaa iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay; oo Rabbiguna iyada wuu cafiyi doonaa.
  • Bil 24:4-6 : 4 laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq. 5 Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa? 6 Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.
  • Yash 9:20 : 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.
  • Yoox 8:32 : 32 Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.
  • Fal 7:2 : 2 Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 24:37-44
    8 aayado
    87%

    37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

    38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

    39Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

    40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

    41dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.

    42Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,

    43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

    44oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga.

  • Bil 24:2-7
    6 aayado
    86%

    2Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

    3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

    4laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

    5Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

    6Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.

    7Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

  • Bil 24:9-10
    2 aayado
    79%

    9Addoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan.

    10Addoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor.

  • Bil 24:48-49
    2 aayado
    76%

    48Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.

    49Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

  • 14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

  • 51Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

  • Bil 21:23-24
    2 aayado
    74%

    23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

    24Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.

  • 32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

  • 58Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa.

  • 12Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow.

  • 23Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

  • Sharc 25:7-8
    2 aayado
    73%

    7Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.

    8Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,

  • 16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

  • 17Laakiinse haddaydnan na maqlin, inaad isguddaan, de markaas gabadhayada waannu wadan, oo waannu tegi.

  • 16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

  • 56Markaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.

  • 34Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

  • 17Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay.

  • 50Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga.

  • 3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

  • 2Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.

  • 27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

  • 30Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka,

  • 21Ninkiina aad buu u fiiriyey iyada, isagoo aamusan, inuu ogaado in Rabbigu ku liibaaniyey sodcaalkiisii iyo in kale.

  • 19Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.