Bilowgii 24:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:27 : 27 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.
  • Bil 26:24 : 24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.
  • Bax 3:6 : 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.
  • Bax 3:15 : 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
  • Bil 24:42 : 42 Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,
  • Bil 24:48 : 48 Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.
  • Bil 15:1 : 1 ¶ Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.
  • Bil 17:7-8 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Bil 27:10 : 10 adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.
  • Bil 27:20 : 20 Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.
  • Bil 28:13 : 13 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.
  • Bil 31:42 : 42 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.
  • Bil 32:9 : 9 Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:
  • Bil 43:14 : 14 oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.
  • 1 Boq 18:36 : 36 Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey.
  • 2 Boq 2:14 : 14 Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.
  • Nex 1:11 : 11 Sayidow, waan ku baryayaaye, hadda dhegahaagu ha maqleen baryadayda anoo addoonkaaga ah, iyo baryada addoommadaada ku farxa inay ka cabsadaan magacaaga; waan ku baryayaaye, maanta i guulee, anoo addoonkaaga ah, oo ka dhig inaan ninkan hortiisa naxariis ka helo. (Anigu waxaan ahaa koobsidaha boqorka.)
  • Nex 2:4 : 4 Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay.
  • Sab 37:5 : 5 Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
  • Sab 90:16-17 : 16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda. 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Sab 118:25 : 25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
  • Sab 122:6 : 6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
  • Sab 127:1 : 1 Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
  • Maah 3:6 : 6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
  • Mat 22:32 : 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
  • Fil 4:6 : 6 Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.
  • 1 Tes 3:10-11 : 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna. 11 ¶ Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 24:39-46
    8 aayado
    88%

    39Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

    40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

    41dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.

    42Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,

    43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

    44oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga.

    45Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

    46Iyana intay dhaqsatay oo ay ashuunkeedii garabkeeda ka soo dejisay ayay tidhi, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa: sidaas daraaddeed waan cabbay, awrtiina way waraabisay.

  • Bil 24:13-15
    3 aayado
    82%

    13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

    14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

    15Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis.

  • Bil 24:27-28
    2 aayado
    82%

    27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

    28Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay.

  • Bil 24:31-37
    7 aayado
    80%

    31Oo wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey.

    32Ninkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba.

    33Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

    34Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

    35Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

    36Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

    37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

  • Bil 18:2-3
    2 aayado
    79%

    2Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday,

    3oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.

  • Bil 24:48-49
    2 aayado
    79%

    48Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.

    49Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

  • Bil 24:5-11
    7 aayado
    79%

    5Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

    6Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.

    7Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

    8Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

    9Addoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan.

    10Addoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor.

    11Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.

  • Bil 24:17-20
    4 aayado
    77%

    17Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye.

    18Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay.

    19Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan.

    20Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

  • Bil 24:56-57
    2 aayado
    77%

    56Markaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.

    57Markaasay yidhaahdeen, Gabadha waannu u yeedhi doonnaa oo weyddiin doonnaa.

  • 54Markaasay wax cuneen oo wax cabbeen, isaga iyo raggii la jirayba, habeenkii oo dhanna halkaasay joogeen. Aroortii bay kaceen oo wuxuu yidhi, Xagga sayidkaygii ii dira.

  • Bil 24:2-3
    2 aayado
    74%

    2Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

    3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

  • Bil 24:51-52
    2 aayado
    74%

    51Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

    52Markii uu Ibraahim addoonkiisii hadalkoodii maqlay ayuu Rabbiga u sujuuday.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;

  • 23Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

  • 66Addoonkiina wuxuu Isxaaq u sheegay wixii uu sameeyey oo dhan.

  • 13Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.

  • 24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.